4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2013
Madaxweynaha Zimbabwe, Robert Mugabe oo Maanta Markii Toddobaad loo dhaarinayo Xilka Madaxweynenimo ee dalkaas

Khamiis, August 22, 2013 (HOL) —
Munaasabad lagu dhaarinayo madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe - oo markii todobaad ku guuleystey madaxtinimada dalkaas - ayaa maanta ka dhaceysa caasimadda Zimbabwe ee Harare.

Dhaarta madaxweyne Mugabe ayaa dib u dhacday kaddib markii Morgan Tsvangirai oo ah musharrixii ay mugabe tartamayeen uu dacwad ka dhan ah natiijada doorashada u gudbiyey maxkamadda sare ee dalkaas isagoo sheegay in doorashada lagu shubtay.

Maxkamadda ayaa markii dambe diidey dacwada uusoo gudbiyey xisbiga isbeddel doonka Dimuqraadiyadda ee Zimbabe ee uu hoggaamiyo Morgan Tsvangirai, waxayna iclaamisay in doorashadu ay ahayd mid xalaal ah oo ku dhacday qaab hufan.

Doorashada oo dhacday bishii July ee lasoo dhaafay dabayaaqadeedii, waxaa 61% tirada codadka la dhiibtey helay Robert Mugabe, halka uu Tsvangirai helay 34% tirada codadka.

Tsvangirai ayaa sheegay in uusan ka qayb geli doonin xafladda dhaarinta madaxweynaha Zimbabwe oo ay kasoo qayb gelayaan madax ka socota in ka badan 40-dal, islamarkaana ka dhaceysa garoonka kubadda cagta ee caasimadda Harare. Afhayeenkiisa Tsvangirai ayaa arintan u xaqiijiyey war-baahinta.

Robert Mugabe oo xilligan ay da'diisu tahay 89, wuxuu dalka Zimbabwe madaxweyne kasoo noqday lix mar oo hore, isagoo siyaasadda dalkaas kusoo dhex jirey laga soo bilaabo sanadkii 1980-kii.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya