4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2013
Sarkaal ka Tirsanaa Booliiska Soomaaliya oo lagu Dilay Muqdisho iyo Ruuxii dilay oo Al-shabaab ahaa oo isna la dilay

Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Saddex xiddigle ka tirsanaa booliiska Soomaaliya iyo ruuxii dilay oo Al-shabaab ayaa shalay lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana ruuxa ay ciidamadu toogteen ee sarkaalka dilay la dul-dhigay digniin ah inaan maydkiisa la qaadi karin.

Ruuxan ka tirsan Al-shabaab ayaa sarkaalka ku toogtay isgoyska Siinaay ee degmada Wardhiigley, isagoo markaas kaddibna billaabay inuu baxsado, balse waxaa daba-gal ku sameeyay ciidammo ka tirsan kuwa nabadsugidda oo ugu dambeyn  ku toogtay suuqa Bakaaraha.

“Dagaalyahanka Al-shabaab ka tirsan wuxuu isku dayay inuu iska difaaco ciidamada, balse waxaa ugu dambeyn lagu dilay suuqa Bakaaraha, halkaa oo la dhigay maydkiisa,” ayuu yiri sarkaal ka tisran booliiska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta.

Ciidamada nabadsugidda Qaranka ayaa qoraal dul-dhigay maydka ruuxa ka tisranaa Al-shabaab ee horay u dilay sarkaalka booliiska ah, kaasoo ay ku sheegeen inaan maydkiisa goobta laga qaadi karin, qofkii isku daya inuu qaadana la toogan doono.

Goobo ganacsi oo ku yaalla halkaas ayaa la xiray iyadoo ganacsatadu ay ka baqeen inuu halkaas iskahorimaad ku dhexmaro ciidamada dolwadda iyo kooxaha Al-shabaab oo dhawaanahan falal ammaan-darro ka waday gudaha Suuqa Bakaaraha.

Tallaabadan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo ciidamada dowladdu ay sameeyaan, iyadoo la xusuusto in dhowr dagaalyahan oo dilal u geystay ciidammo ka tirsan dowladda lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa u muuqanaysay bilihii lasoo dhaafay mid faraha kasii baxaysa, iyadoo shacabku ay wax badan iska weydiiyaan amniga magaalada, halka saraakiisha hay’adaha amniguna ay sheegaan inay burburiyeen unugyo Al-shabaab ka tirsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya