4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2013
Deeqdii Raashinka ahayd ee ka Timid Dalka Turkiga oo Maanta loo qaybiyay Barakacayasha ku nool Magalaada Kismaayo




Arbaco , August 21, 2013(HOL) :- Markab sida raashiin gargaar ah oo hay’adda Bisha cas ee Turkiga ugu talo gashay dadka ku dhibaateeysan gobollada Jubooyinka ayaa kusoo xirtay marsadda caalamiga ee magaalada Kismaayo.

Markabkan gargaarka ah ayaa waxa saarnaa 20 kun oo kiish oo isugu jira Bur iyo Sokor, waxaana raashiinkani loogu talo galay dadka barakacayaasha ah ee ku dhibaateeysan gudaha magaalada Kismaayo.

Wakiilka hay’adda Bisha case e Turkiga Axmed Max’ed Samatar oo warbaahinta kula hadlay gudaha dekedda magaalada Kismaayo ayaa sheegay in raashiinkani ay kusoo deeqday hay’adda bisha cas ee Turkiga, wuxuuna xusay in ay ku wareejiyeen masuuliyinta maamulka Jubbaland si ay ugu qeybiyaan dadkii loogu talo galay.

Qeybtii ugu horeeysay ee raashiinkan gargaarka ayaa laga qeeybiyay xero ay ku jiraan qoysas barakacayaal ah oo ku taal Xaafadda Calanleey gaar ahaan waaxda Mariino.

Madaxa gargaarka maamulka Jubbaland Max’ed Sheekh Yuusuf oo goobta ka hadlay ayaa uga mahadceiyay hay’adda Bisha case e Turkiga deeqda ay soo gaarsiisay dadka ku dhibaateeysan gobollada Jubooyinka.

Sidoo kale waxa isna goobta ka hadlay gudoomiyaha degmada Kismaayo C/laahi Qaldaan, waxa uuna sheegay in ay u mahadcelinayaan hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga, wuxuuna ka codsaday dowladda Turkiga in ay laba jibaaraan kaalmada ay u fidinayaan dadka ku dhaqan Jubooyinka haday ahaan lahayd dhinacyada, caafimaadka, Waxbarashada iyo weliba dib u dhiska.

Gabagabadii qaar kamid ah dadkii deeqda la gudoonsiinayay ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga gaar ahaan hay’adda Bisha case e dalkaasi deeqda ay soo gaarsiisay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya