3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo tababar ku saabsanaa Maamul dhisidda u soo xiray Shaqaalo ka tirsan Wasaarada (SAWIRRO)


Arbaco, August 21, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu soo xiray shaqaale ka tirsan wasaaradda tababar ku saabsan maamul dhisida iyo dib u heshiisiinta.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada arrimaha gudaha, gacanka ay ka geysatay hay'adda CRD ayaa muddo saddex maalmood socday, iyadoo shaqaalaha lagu baray habka maamul dhisida iyo dib u heshiisiinta.

Qaar ka mid ah shaqaalihii ka faa'ideystay tababarkan ayaa sheegay in wax badan ay ka kororsadeen tababarka gaar ahaan habka maamul dhisida, dib u heshiisiinta iyo nidaamka federaalka ee ku dhisan maamul u sameynta gobollada iyo degmooyinka dalka.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay xiritaanka tababarka ayaa ku ammaanay shaqaalaha sida ay ugu dhabar adaygeen muddadii uu socday tababarka, kana kororsadeen khibrado iyo casharro ay ka jeediyeen khubaradii wax ka waday tababarka oo isugu jiray Soomaali iyo Ajnabi.

Guuleed ayaa sheegay in tababarkan uu lahaa afar muhiimadood oo gaar ah, kuwaasoo uu ka xusay in loo baahan yahay in habka maamul dhisidda dalka yo qofka wax ka noqonaya uu xubin kasoo noqdo golaha deegaanka, markaa kaddibna u gudbo heer gobol, isla markaana uu ku imaanayo doorashada guddoomiyeyaasha golayaasha deegaanka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhawaan la guda-geli doono qorshaha maamul u sameynta degmooyinka, isla markaana loo gudbi doono midka gobollada, isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta inay olole u galaan deegaankooda sidii looga soo dooran lahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay hay'adda CRD iyo hay'adda CDI oo tababarkan gacan weyn ka geystay. Isagoo ugu dambeyn shaqaalihii tababarka ka faa’iideysay guddoonsiiyay shahaadooyin.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/21/2013 8:25 PM EST
Khamiis, August 22, 2013(HOL)—Sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden waxaa maanta lagu toogtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya Siyaasiyiin ka tirsanaa Xisbiga bidix (Vänsterpartiet) ee dalka Sweden, kuwaasi oo Muqdisho u tegay barnaamij ku saabsan horumarinta waxbarashada.

8/21/2013 3:59 PM EST
Arbaco, August 21, 2013 (HOL) — Wasiiradda Arrimaha dibadda iyo Qorsheynta oo ka warbixiyey kulan ay maanta la yeesheen wefti ka socda midowga Yurub iyo xubno ka socday safaaradaha Sweden, Denmark iyo Holland.

8/21/2013 3:46 PM EST
Arbaco, August 21, 2013 (HOL) — Afar qof ayaa ku dhintay sagaal kalena way ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay deegaan lagu magcaabo God-heeli oo ka tirsan degmada Caynabo ee gobolka Sool oo 110-km ku dhawaad ka xigta dhinaca Waqooyi magaalada Laascaanood, kaddib markii dagaal ku dhex-maray laba beelood oo halkaasi wada-dega.

8/21/2013 10:32 AM EST
Arbaco , August 21, 2013(HOL) :- Markab sida raashiin gargaar ah oo hay’adda Bisha cas ee Turkiga ugu talo gashay dadka ku dhibaateeysan gobollada Jubooyinka ayaa kusoo xirtay marsadda caalamiga ee magaalada Kismaayo.

8/21/2013 9:00 AM EST
Arbaco, August 21, 2013 (HOL) — Kulan laba maalmood soconaya oo looga hadlayo sharciga maal-gashiga Soomaaliya ee shirkadaha shisheeye ayaa ka furmay maanta xarunta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

8/21/2013 9:00 AM EST
Arbaco, August 21, 2013 (HOL) — Madaxwaynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo madaxwayne ku xigeenkiisa Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa si wada jir xarunta madaxtooyada ugu qaabilay wefti uu hogaaminayay garaad Cabadilaahi Maxamed Guuleed oo ah madax dhaqameedka koonfurta Sanaag.

8/21/2013 8:53 AM EST
Arbaco, August 21, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu kala diraayay kooxaha ka qaybqaadanaya tallaalka dabeysha ayaa lagu qabtay magaalada Buuhoodle. Munaasabaddaas oo ay kasoo qayb-galeen bahda caafimaadka, waxgaradka iyo hawl-wadeennada tallaalka ayaa waxaa tallaalay labadii qof ee ugu horreeyay wasiir ku xigeenka caafimaadka Puntland, Dr. Maxamed Xirsi Ducaale.

8/21/2013 7:36 AM EST
Arbaco, August 21, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa ku dilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho askari oo ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya oo ilaalo u ahaa haweeney ajnabi ah oo u dhalatay dalka Sweden iyo turjubaankeedii, iyadoo kooxihii weerarkaas geystayna ay goobta isaga baxsadeen.

8/21/2013 2:15 AM EST
Arbaco, August 21, 2013 (HOL) — Sheekh Fu’aad Maxamed Shangole oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Al-shabaab ayaa sheegay inay go’aansadeen joojinta garaacii ay dadka garaaci jireen ayna bilaabeen inay dadka baraan diinta Islaamka.

8/21/2013 2:03 AM EST
Arbaco, August 21, 2013 (HOL) — Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay lix kalena way ku dhaawacmeen iska-hor-imaad ciidamo kawada tirsn kuwa dowladda ku dhexmaray gobolka Shabeellada Hoose.

8/21/2013 1:47 AM EST
Arbaco, August 21, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa jirsaday muddo hal sano ah, iyadoo guddoomiyaha golaha shacabka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu sheegay inay wax badan u qabsoomeen halkii sano ee ay shaqeynayeen.