4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2013
Dabley Hubeysan oo Muqdisho ku dilay askari ilaalo u ahaa Haweeney dalka Sweden u dhalatay iyo Turjubaankeedii

Arbaco, August 21, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa ku dilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho askari oo ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya oo ilaalo u ahaa haweeney ajnabi ah oo u dhalatay dalka Sweden iyo turjubaankeedii, iyadoo kooxihii weerarkaas geystayna ay goobta isaga baxsadeen.

Weerarkan ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska KM-4 ee Muqdisho, gaar ahaan meel aad ugu dhow safaaradda Turkiga uu Muqdihso ku leeyahay, iyadoo dilka uu yimid kaddib markii kooxaha dilka geystay iyo askarta uu muran dhexmaray.

Haweeneyda ajnabiga ah ayaa la sheegay inay baxsatay markii la toogtay ilaaladeedii, balse mar dambe laga helay goob ku dhow halkaas, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu gaaray dhaawac fudud.

Dableyda weerarka geystay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo maydadka labada qof ay goobta ka qaadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda, mana jiro war arrintan ku saabsan oo ay soo saareen booliiska Soomaaliya.

“Gaariga wuxuu kasoo baxay Jaamacadda Soomaaliya oo ku dhow halka falku ka dhacay, waxaana gaarigooda isku gudbay gaari kale oo dabley ay saarnaayeen muran kaddibna toogasho ayaa dhacday,” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa halka uu falku ka dhacay.

Lama oga cidda ay ka tirsan yihiin kooxaha dilka geystay, iyadoo saraakiisha booliisku ay sheegeen inay wadaan baaritaanno ay ku raadinayaan sida ay wax u dhaceen, ayna dib saxaafadda kala hadi doonaan.

Falkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo magaalada Muqdisho ka dhaca, iyadoo warar hoose ay sheegayaan in kooxaha hubeysan ay doonayeen inay afduub ku qabsadaan haweeneydan Swedish-ka ah, balse aysan u suurogelin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya