4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 2 , 2013
Doonni sidday xoolo nool oo ka Shiraacatay Dekedda Berbera ee Somaliland oo ku dagtay badda u dhexeysa Somalia iyo Yemen


Jimco, August 02, 2013 (HOL) — Doon u rarnayd ganacsato Somaliyeed oo ka shiraacatay dekedda Berbera ayaa la sheegay inay ku dagtay badda u dhexeysa Soomaaliya iyo Yemen. Waxaana doonidan ay wadday xoolo nool oo ganacsi ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in doontan ay kusii jeedday xeebaha Muqawa ee dalka Yemen ay wadday xoolo isugu jira Lo’ iyo ari kuwaasoo tiradooda lagu sheegay inay gaarayeen 2754 neef.

Xoolahan ayaa waxay doonidan ka qaaday dekedda Berbera iyadoo badda lagu la’aa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, balse doomo badda cas soo maray ayaa sheegay inay arkeen burburka doonidaas.

Sidoo kale, doonida waxaa la socday 12 qof oo isugu jiray naaquudayaal iyo rakaab ka raacay Barbara, waxaana lagu la’yahay badda doonidii iyo xoolihii noolaa ee ay wadday iyo weliba dadkii la socday.

“Doonidan waxay wadday 1,454 neef oo Lo’ ah iyo 1,300 oo neef oo ari ah;  waaxana saarnaa dad isugu jiray Soomaali iyo Carab isugu jiray rakaab iyo naaquudayaashii dowladda, waxaana inay dagtay la xaqiijiyay maanta,
 ayuu yiri Xuseen Xaaji Axmed oo ah qusulka Soomaaliya u jooga magaalada Cadan.

Qunsulku wuxuu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay badda cas ka jireen dabeylo xooggan, kuwaasoo la rumeysan yahay inay sabab u ahaayeen inay doonidan ganacsiga wadday ku dagto badda cas, gaar ahaan meelo ku dhow xeebaha dalka Yemen.

Maamulka Somaliland iyo ganacsatadii ay doonidan u rarnay ayaan weli ka hadlin degitaanka doonida, balse saddex maalmood ka hor ayaa laga sheegay Somaliland in doonida, rakaabkii ay sidday iyo xoolihii ku rarnaa oo dhan la la’yahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya