4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 2 , 2013
Sanad-guuradii 15-aad ee kasoo Wareegtay asaaskii Maamulka Puntland oo xalay lagu qabtay Magaalada Garoowe [SAWIRRO]


Jimco, August 02, 2013 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo lagu xusayey sanad guuradii 15-aad ee kasoo wareegtey - August 1, 1998- markii la asaasay maamulka Puntland ayaa xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Magaalada Garoowe.

Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey, waxaa kasoo qayb galay madaxda ugu sareysa maamulka Puntland; xubnaha labada gole ee baarlamaanka iyo wasiirrada, madaxda dhaqanka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada ayaa goobta ka jeediyey khudbado ay kaga hadlayeen waxqabadkii wasaaradahooda, sidoo kale waxaa iyaguna goobta ka hadlay qaar kamid ah isimmada caanka ah ee Puntland.

Madaxweyne Faroole oo gabagabadii hadalka qaatay ayaa isna jeediyey khudbad dheer oo uu waxyaabo badan kusoo qaaday. Arimaha uu madaxweynuhu carrabka ku dhiftay waxaa kamid ahaa waxqabadkii xukuumaddiisa iyo halka uu ku danbeeyey geedi socodkii dimuqraadiyadda ee Puntland.

Dr. Faroole ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay aad uga shaqeysay arimo badan oo ay ugu muhuumsan yihiin amniga iyo waxbarashada. Mar uu ka hadlayey xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka wuxuu sheegay in waxbadan laga badeley Dastuurkii dalka.

Mar uu ka hadlayey shirarka u socda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland wuxuu sheegay in Puntland ay aad raali uga tahay, haseyeeshee ay lagama maarmaan tahay in ajendayaasha kulamada labada dhinac ay noqdaan kuwo cad oo aan wax mugdi ahi ku jirin.

Kooxda fanaaniinta ee Waaberi Puntland ayaa goobta iyaguna kusoo bandhigay suugaan kala duwan oo isugu jirtey heeso, gabayo iyo riwaayado. Inta badan suugaanta ay kooxda Waaberi xalay soo bandhigtay ayaa ahayd mid ka turjumeysa horumarka Puntland iyo sida ay muhiim u tahay in nabadda iyo midnimada la dhowro.

Xuska 1-da August ee sannadkan ayaa ahaa mid ka duwan kuwii la dhigay dhowrkii sano ee u danbeeyey. Fagaaraha barxadda ayaa horay waxaa uga dhici jirey dabaaldeg ballaaran oo ay ciidadamada qalabka sidaa aad uga dhex muuqan jireen, heseyeeshee dowladda ayaa taas sanadkan baajisey maadaama lagu jiro xilli soon ah cimiladuna ay aad u kulushahay.









Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya