4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 2 , 2013
DUQA MUQDISHO “Hay’adaha Turkigu way ka shaqo Wanaagsan yihiin kuwa Caalamiga ah ee dalkan ka shaqeeya”


Jimco, August 02, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa hay’adaha Turkiga ee ku sugan Soomaaliya ku ammaanay inay ka shaqo wanaagsan yihiin kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya gargaarka Soomaaliya.

Mudane Tarsan ayaa hadalkan ka sheegay dibadbax Muqdisho ka dhacay oo lagu taageerayay howlaha samafalka ah ee Turkiga uu kawado Soomaaliya loogana soo horjeedo weerarrada lala beegsanayo.

“Hay’adaha fadhigoodu yahay Nairobi ee ka shaqeeya Soomaaliya markii laga dalbado laba Computer iyo hal Printer waxay qaadanaysaa in Nairobi laga keeno muddo sannad ah, balse haya’daha Turkiga waxay wixii loo baahdo keenayaan iyagoo aan la weydiisan,” ayuu yiri Tarsan.

Duqa Muqdisho wuxuu sheegay in qalabka la weydiisto hay’adaha caalamiga ah ay ka badan tahay kharashka ku baxaya, isagoo xusay inay soo diraan guddi qiimeyn sameynaya, kaddibna ay billaabayaan in warqado badan ay soo diraan, markaas kaddibna ay dhacdo in qalabkii la weydiistay ay soo diraan.

“Turkiga hay’adihiisa waa kuwo ay ka go’an tahay inay si fiican u caawiyaan Soomaalida, marka waxaa la idin kaga baahan yahay inaad ka hortagtaan bahallada doonaya inay dhibaateeyaan,” ayuu Tarsan hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in la taageero hay’adaha Turkiga lagana hortago kuwa doonaya inay qaraxyo la beegsadaan, isagoo sheegay in qaraxyadii dhawaan lala beegsaay Turkiga ay ahaayeen kuwo ay abaabuleen siyaasiyiin aan doonayn horumarka ay ku tallaabsatay Muqdisho iyo Al-shabaab.

Dhawaan ayay ahayd markii dhisme ay deggenaayeen shaqalaha safaarada Turkiga uu ku leeyahay Muqdisho lala beegsaday qarax ismiidaamin ah oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab, waxaana ku dhintay askari ka tirsan ciidamada Turkiga ee Soomaaliya ku sugan, arday Soomaailyeed iyo kooxihii weerarka qaaday oo laba ahaa.

Al-shabaab ayaa ku goodisay inay sii wadi doonto weerarrada ka dhanka ah hay’adaha Turkiga haddii ay dalka ka bixi waayaan, balse dowladda Turkiga ayaa sheegtay inaysan waxba iska bedelayn siyaasadeedda ku wajahan dalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya