4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 2 , 2013
Dowladda Iiraan oo Sheegtay in Maamul-Goboleedka Puntland uu sii daayay 78 badmaaxe oo u dhashay dalka Iiraan

Iran’s Deputy Foreign Minister for Consular, Parliamentary and Iranian Expatriates Affairs Hassan Qashqavi
Jimco, August 02, 2013 (HOL) — Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Iiraan ayaa sheegay in maamul goboleedka Puntland uu sii daayay toddobaadkan 78-badmaaxe oo u dhashay dalkeeda, kuwaasoo maamulkan uu horay ugu xukumay xabsiyo kala duwan.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iiraan, Xasan Qashqaafi ayaa sheegay in sii daynta badmaaxiintan ay ku timid kulammo dhexmaray wasaaradda arrimaha dibadda iyo saraakiil Soomaali ah.

Badmaaxiintan ayaa waxay maxkamadda Boosaaso ku xukuntay xabsiyo kala duwan bishii May ee sannadkan, kaddib markii ay ciidamada Puntland soo qabteen.

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Iiraaniyiintan inay xaalufin ku hayeen xeebaha Soomaaliya ayna wateen shan doomood, waxaana sidoo kale lala xukumay 12-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay caawinayeen badmaaxiitan.

Xasan Qashqaafi ayaa sheegay in badmaaxiintan u dhashay dalka Iiraan ay ku labteen Talaadadii toddobaadkan, sidoo kalena doomihii ay wateen dib loogu celiyay Iiraan.

Waa markii ugu horreysay oo maamulka Puntland ay sii daayaan badmaaxiin u dhashay dalka Turkiga oo ay horay u xukuntay, iyadoo ay weli xabsiyada Puntland ku jiraan badmaaxiin Soomaali iyo Yemeniyiin ah oo sannado kala duwan xukunno ay ugu ridday maxkamadda Boosaaso.

Puntland oo ku taalla Waqooyi-bari Soomaaliya ayaa waxay lixdii sano ee ugu dambeysay la tacaalaysay afduubyo ay kooxaha burcadbadeedda ah ka geystaan xeebaha maamulkeeda, halkaasoo ay ka sameeyeen burcadbadeeddu saldhigyo waaweyn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya