4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gelllinkii dambe ee Maanta u dhoofay Magaalada Addis Ababa

Isniin, August 19, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gellinkii dambe ee maanta oo Isniin ah u dhoofay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan socdaalkiisa.

Wafdiga madaxweynaha ayaa ka mid ah xubno ka tirsan xukuumadda iyadoo la sheegay inuu ka qaybgalayo sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay geeridii ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi.

Ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan safarkiisa oo uu madaxweynuhu siiyay saxaafadda, Laakiinse waxaa isla maanta magaalada Addis Ababa u dhoofay wafdi uu hoggaaminayo wasiir u dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Faarax Sheekh C/qaadir oo la sheegay inuu ka qaybgalayo kulan la doonayo in lagu dhexdhexaadiyo dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo ay gar-wadeen ka tahay dowladda Itoobiya.

Lama oga in madaxweynuhu uu kulankaas ka qaybgalayo iyo in kale, balse waxaa jiray dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka soo dhexgalay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo ay wadeen dalal ka tirsan urur goboleedka IGAD.

Magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ayaa waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) oo gellinkii hore halkaas gaaray, isagoo ka qaybgalaya shir berri ka furmaya Addis Ababa.

Dowladda Somalia ayaa horay u sheegtay inaysan aqoonsanayn maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo, Sheekh Axmed Madoobe, kaasoo ay sheegtay in lagu dhisay hab aan waafaqsanayn dastuurka dalka u yaalla.

Balse madaxda maamulkan uu muranku ka taagan yahay ayaa tan iyo markii lagu dhawaaqay waxay ku adkeysnayeen inay yihiin maamul ay dadku soo doorteen, isla markaana ay diyaar u yihiin inay wadahadallo la furaan dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya