4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2013
Xisbiga WADANI oo ku eedeeyay Xukuumadda Somaliland inay ka gaabisay dhismaha Garoonka diyaaradaha Boorame

Isniin, August 19, 2013 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga WADANI, Axmed Muumin Seed ayaa xukuumadda Somaliland ku dhaliilay inay ka caga-jiidayso ka qayb qaadashada dhismaha garoonka diyaardaha ee magaalada Boorama, garoonkaas oo dadwaynuhu ay si balaaran ugu heellan yihiin inay arkaan isagoo shaqaynaya.

Axmed Seed ayaa eedayntan kusoo beegay xilli dhismaha garoonka ay ka lacago ugu yabooheen haween qurbojoogta ah, isla markaana xaflad loo qabtay billowga dhismihiisa ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin iyo waxgarad kasoo jeeda gobolka Awdal.

“Garoonkan diyaardaha Boorama wuxuu ka mid yahay garoomada aan helin wax dayactir ah oo ku yaalla Somaliland, waxaan sidan u leeyahay dowladdu waxba kama qaban diyaarna uma ahan wax ka qabashada garoonkan sida muuqata. Waxaa nasiib-darro ah in reer Awdal oo kaliya ay qabsadeen kulan ay kaga tashanayaan dhismaha garoonkan,” ayuu yiri Axmed Seed oo intaas ku daray: “Xukuumaddu waxaa uga wakiil ah garoomada wasaarad, kamana soo qaybgelin mas’uuliyiinteedu kulankan, waana dhaliil muuqata oo aanan la iska indho-tiri karin.”

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa hadalkiisa ku sheegay inuu baaq u dirayo xukuumadda Somaliland, kaasoo ku saabsan inay qaadato qaybta kaga aaddan dayactirka garoonka Boorame iyo kuwa kale ee dalka.

Isagoo hadalka sii wata ahmiyadana siinaya waxqabaka gudaha wuxuu yiri: “Waxaan u sheegayaa dadwaynaha gobolka Awdal in looga baahan yahay in waxqabdku iyaga ka yimaado marka hore, haddii taas la helo, waa hubaal xukuumaddu way ku dhiirranaysaa waxna way ku daraysaa, si la mid ah sidii waddada isku xirta degmada Boorama iyo deegaanka Dila.”

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADANI wuxuu u mahadnaqay qurbo-joogtaa lacagtan soo diray waxana sheegay in haweenkii lacagta lagu dayactirayo garoonka ku yaboohay inay mudan yihiin ku dayasho, isagoo EEBBE uga rajeeyay inuu xasanaad ugu badalo.

Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland