4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2013
Wadahadallo lagu dhameynayo muran siyaasadeed soo dhexgalay Dowlada Jabuuti iyo Isbahaysiga Mucaaradka oo furmay

Isniin, August 19, 2013 (HOL) — Dalka Jabuuti waxaa ka furmay wadahadal u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda dalkaas, kaasoo lagu xalliyo muran ka dhashay doorashooyinkii horraantii sannadkan ka dhacay dalkaas, kuwaasoo sababay rabshado u dhexeeya taageerayaasha mucaaradka iyo dowladda.

Khilaafka siyaasadeed ayaa ka dhashay guushii ay isbahaysiga UMP ee dalka Jabuuti xukuma uu ka gaaray doorashooyinkii baarlamaaniga ee dalkaas ka dhacay bishii Feberaayo ee sannadkan.

Isbahaysiga USN oo ay ku mideysan yihiin xisbiyada mucaaradka Jabuuti ayaa ku gacan-sayray guusha uu gaaray xisbiga talada haya, waxaana ka dhacay dibadbaxyo iyo isku-dhacyo dhexmaray ciidamada amniga iyo dad taageersan mudaaradka.

Xoghayaha isbahaysiga mucaaradka, C/raxmaan Maxamed Geelle ayaa ku tilmaamay wadahadallada furmay kuwo guul ah, isagoo sheegay inay soo dhaweynayaan dowladda ayna diyaar u yihiin in khilaafka siyaasadeed jira la xalliyo.

“Annagu mar walba waxaan ku baaqaynay in nabad lagu dhameeyo wax walba oo jira, waxaana wadahadalladan furmay ay ka dhasheen warqad aan u dirnay madaxweynaha Jabuuti oo uu kasoo jawaabay,” ayuu yiri Geelle oo la hadlayay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga.

Sidoo kale, xoghayuhu wuxuu sheegay inay laba jeer kulmeen wakiilo labada dhinac ka socday, loona ballamay in tobaneeyo maalmood kaddib mar kale la isku soo laabto si loo sii wado wadahadallada.

Inkastoo wadahadalladan aysan kasoo bixin wax natiijo ah oo xal u noqon kara khilaafka ayaa haddana waxayna dowladda iyo mucaaradku rajo weyn ka qabaan in khilaafka jira xal loo heli doono, si muranka siyaasadeed uu ku dhamaado, dalkana loogu wada adeego.

Dadweynaha Jabuuti ayaa dhankooda soo dhaweeyay wadahadallada furmay iyagoo sheegay inay yihiin kuwo ay rajo weyn ka qabaan in muranka taagan lagu dhameeyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya