4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2013
Suxufiyad Kanada u dhalatay oo ka sheekeysay Afduubkii Soomaaliya loogu haystay iyo Jir-dil loo geystay intii ay afduubnayd
Amanda Lindhout was captured in Somalia in 2008 while working as a freelance journalist and held captive for more than a year.
Isniin, August 19, 2013 (HOL) — Suxufiyad u dhalatay dalka Canada oo lagu magacaabo Amanda Lindhout ayaa ka sheekeysay afduub Soomaaliya loogu geystay bishii Ogoosto ee sannadkii 2008 oo hadda laga joogo muddo afar sano ah, iyadoo sheegtay in jirdil xooggan loo geystay intii ay afduubnayd.

Amanda Lindhout ayaa sheegtay in maalin walba la garaaci jiray, loona xiri jiray si garbo-duub ah, iyadoo xustay inay filaysay inay maalin uun dib ugu laabanayso dalkeeda oo ay la midoobi doonto qoyskeeda.

“Mar walba waxaan aaminsaa inaan ka bixi doono dhibaatada. Wax walba oo igu dhacayna maanta waxaan ku suganahay dalkeyga… qoyskeyga ayaana la joogaa,” ayay Lindhout ku tiri warbixin lagu daabacay wargeyska CBC ee ka soo baxa dalka Canada.

Suxufiyaddu waxay sheegtay inay ku xirnayd intii afduubka loo hasytay oo ahayd 15-kii bilood, iyadoo xustay in loo geystay xad-gudub fara badan oo kufsi uu ka mid yahay, balse dhibaatada ugu weyd ee loo geystay ay ahayd jir-dil joogto ah.

“Afduubayaashu waxay i garaaci jireen, waxayna iga tegi jireen sidii anigoo qof dhintay ah, markaan xusuusto waxaan dareemaan xanuunkii karbaashkii la igu garaaci jiray,” ayay hadalkeeda ku daray.

Amanda waxaa lala afduubtay Nigel Brennan oo ahaa sawir-qaade u dhashay dalka Australia xilli ay doonayeen inay xog kasoo qaadaan barakacayaal ku sugnaa duuleedka Muqdisho, xilligaasoo ay Muqdisho ka socdeen dagaallo u dhexeeya maxkamadihii Islaamka iyo ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa dalka Soomaaliya.

“Markii ugu horreysay oo ay afduubayaashu gacanta nagu dhigeen waxay ku xireen sii daynteenna madaxfurasho lacageed oo gaaraysa saddex milyan oo doollar ($3 million), balse ugu dambeyn waxay gaartay 1.2 milyan,” ayay tiri Lindhout.

Xukuumadaha Canada iyo Australia ayay sheegtay inay diideen inay madax-furasho bixiyaan si loo sii daayo. Laakiinse ay ugu dambeyn lacagta bixiyeen sida ay sheegtay qoysaskooda iyo shacabka dalalkooda oo qaaraan iska soo ururiyay.

“Aniga sawir-qaadihii la ila haystay waxaan ku kala xirnayn laba qof oo kala duwan, waxaana naloo garaaci jiray siyaabo kala duwan, mararka isku meel nala keeno waxaan u aragnay inaan ku jirno nolol xanuun badan,” ayay ku dartay hadalkeeda.

Ugu dambeyn, waxay sheegtay in bishii November sannadkii 2009 in iyada iyo Brennan lagu wargeliyay in madax-furasho lacageed laga bixiyay oo la sii daynayo, taasoo ay sheegtay inay aad ugu farxeen labadooduba, halkaasna ay kusoo gabagabowday 459 maalmood oo ay kooxo hubeysan ay afduub ku haysteen.

Amanda ayaa sheegtay in dhibaatadii lasoo marsiiyay aysan ka shaleynayn oo ay u aragto wax soo maray nolosheeda, iyadoo sannadkii 2010 sheegtay inay billaabayso mashruuc ay ku caawinayso gabadhaha Soomaaliyeed ee aan helin waxbarashada jaamacadeed, kaasoo ay illaa iyo hadda waddo.

Soomaaliya ayaa waxaa lagu tilmaamaan dalka ugu xun dunida ee ay ka howlgalaan suxufiyiinta, waxaana sannad walba lagu dilaa tiro suxufiyiin Soomaaliyeed ah, kuwaasoo intooda badan la beegsado iyadoo howlahooda saxaafadeed ku gudo jira.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya