4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2013
Dowladda Turkiga oo shaacisay inay tababarro siinayso ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya


Isniin, August 19, 2013 (HOL) — Xukuumadda Turkiga ayaa sheegtay inay ka caawinayso Soomaaliya adkeynta ammaanka iyo dib u dhiska haya’daha amniga kaddib markii Al-shabaab ay weerarro la beegsaday shaqaalaha Turkiga ah ee samafalka u jooga Soomaaliya.

Turkiga ayaa sheegay inuu tababarro siinayo ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-sugidda Soomaaliya si ay uga hortagaan falalka Qaranka ah ee ay ka geysanayso Al-shabaab magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxay sannadkii 2010 kala saxiixdeen heshiis ku saabsan in labada dal ay iska kaashadaan tababarka ciidamada dowladda Soomaaliya taasoo baarlamaanka Turkiga uu meel mariyay bishii November ee sannadkii lasoo dhaafay, halka baarlamaanka Soomaaliyana uu ansixiyay bishii July ee sannadkan.

“Iskaashigan waa mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya kaddib muddo 22 sano ah oo deggenaasho la’aan ay ka jirtay dalka geeska Afrika ku yaalla. Turkigana wuxuu diyaar u yahay inuu caawiyo shacabka Soomaaliya,” ayuu yiri dajiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Maxamed Sh. C/raxmaan oo la hadlay wargeyska Today Zaman ee kasoo baxa dalka Turkiga.

Dajiraha oo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Soomaaliya ayaa muddo sannado ah la dhibaateysnayd deggenaasho la’aan. Turkiga wuxuu kaalin muhiim ah ka qaadanayaan dib u dhiska Soomaaliya.”

Prof. Gokhan Bacik oo maadada xiriirka caalamiga ah ee ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Turkiga ayaa sheegay in tallaabada uu Turkiga qaatay ee uu ku sheegay inaysan waxba iska bedeleyn caawintii Soomaaliya ay  tahay mid geesinimo ah.

“Fariinta Turkiga waa mid caddeynaysa inay ka go’an tahay inay Soomaaliya caawiyaan,” ayuu yiri Prof. Bacik oo intaas ku daray in tani ay xoojin u tahay xiriirka u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga oo walaalo ah.

Isagoo sii hadlaya Prof. Bacik ayuu yiri: “Tani waa mid si cad sharraxaad uga bixinaysa in xukuumadda Turkiga ay doonayso inay Soomaaliya ka caawiso dib u dhiska ciidamada iyo dalka. Shacabka Soomaaliyeedna waxay u arkaan in Turkiga uu yahay dalalka ahmiyadda weyn siinaya horumarinta Somalia.”

Agaasimaha machadka cilmi-baarista iyo falanqeynta ee Heritage. Cabdi Caynte ayaa sheegay in iskaashiga dhinaca ammaanka ah ee Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid muhiimad u leh Soomaaliya.

“Hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya waxay ahaayeen kuwo taag-daran 22-ki sano ee lasoo dhaafay. Qorshaha uu Turkiga gacanta uga geysanayo dhismaha hay’adaha ammaanka Soomaailya waa mid muujinaysa daacad-nimada uu ku caawinayo shacabka Soomaaliya,” ayuu yiri Caynte.

Dowladda Turkiga ayaa waxay Soomaaliya ka billowday howlo samafal ah sannadkii 2011 markaasoo ay ka jirtay abaaro dhaliyay macluul oo qaar ka mid ah gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ku dhuftay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya