4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2013
Shaqaale ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho looga Furay Tababar ku saabsan Maamul sameynta (SAWIRRO)


Isniin, August 19, 2013 (HOL) — Tababar ku saabsan maamul dhisidda dalka iyo nabadeynta ayaa maanta Muqdisho looga furay shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, kaasoo socon doona muddo saddex maalmood ah.

Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha iyadoo ay gacan ka geysanayso hay’adda cilmi-baarista iyo wadatashiga ee CRD, waxaana inta uu socdo lagu baran doonaa casharro ku saabsan heerarkii uu soo maray maamul sameynta dalka, qaabka looga caawin karo dadka inay sameystaan maamullo ay iyagu leeyihiin iyo kobcinta nabadeynta dalka oo dhan, gaar ahaan meelaha ay colaaduhu ka jiraan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Xalane oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in tababarkan oo kela loo furo shaqaalaha wasaaradda, isgaoo xusay in maamul sameynta iyo nabadeyntu ay tahay mid ahmiyad weyn u leh wasaaradda.

Sidoo kale, waxaa goobta mas'uul ka tirsan CRD oo sheegay in tababarkan uu yahay mid looga gol-leeyhaya sidii lagu dhisi lahaa aqoonta shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha, maadaama arrinta maamul u sameynta dalka ay tahay mid ahmiyad gaar ah leh, laguna jiro xilligii laga sugayay wasaaradda dhismaha maamullo uu dalku yeesho.

Mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda arrimaha gudaha oo iyaguna halkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay ku boorriyay shaqaalaha tababarka loo furay inay ka faa’iideystaan tababarkan, maadaama uu yahay mid muhiim u ah wasaaradda oo wadda qorshayaal ay gacan uga geysanayso mamaul u sameynta gobollada dalka.

Tababarkan ayaa wuxuu kii ugu horreeyay oo shaqaalaha wasaaradda loo qabto, isagoo kusoo beegmaya xilli baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay bishii hore hindise-sharciyeedka maamul sameynta gobollada, inkastoo uu dib u soo celiyay madaxweynaha lana sugayo in wax ka bedel lagu sameeyo.

Maamul u sameynta dalka ayaa waxaa ka taagan muranno xooggan, iyadoo laga sugayo wasaaradda arrimaha gudaha inay gacan ka siiso dadweynaha ku dhaqan gobollada dalka sidii ay u sameysan lahaayeen maamullo ay iyagu leeyihiin.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa looga fadhiyaa inay dalka ka hirgeliso maamullo ay dadweynuhu soo doorteen, iyadoo ay dhici karto inay ku guuleysato ama ay ku guul-darreysto.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya