4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2013
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iska-fogeysey eedeymo uu u jeediyay Prof. Cali Khaliif Galayr Madaxda sare ee Dalka


Isniin, August 19, 2013 (HOL) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtey eedeyn kulul oo uga timid ra'iisul wasaarihii hore ee dalka (xilligii dowladdii Carta) Prof. Cali Khaliif Galayr haddana ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Prof. Galayr oo waraysi siiyey TV ku yaalla dalka Maraykanka - oo iminka uu ku sugan yahay - ayaa madaxda sare ee dowladda ku eedeeyey in ay wada shaqeyn hoose la leeyihiin ururka Al-shabaab.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow), oo la hadlay warbaahinta  ayaa nasiib darro ku tilmaamay eedeynta uu Cali Khaliif dowladda u jeediyey, isagoo xusay in eedeyntaasi ay tahay mid haba yaraatee aysan waxba ka jirin.

Afhayeenka madaxtooyada ayaa dhanka kale  sheegay in dowladdu ay soo dhoweyneyso cid kasta oo cabasho qabta ama dhaliil dowladda usoo jeedineysa, haseyeeshee ay haboon tahay in taas hab saxan loo maro, xildhibaanada baarlamaankana aysan u cuntamin in ay warbaahinta wax walba ka sheegaan.

"Eedeynta Cali Khaliif waxan u aragnaa mid nasiib darro ah, runtiina waa mid aan sal iyo raad lahayn. Eedeynta noocaas ah marka la jeedinayo waa in caddeyn loo hayaa. Cali Khaliif Galayr waa mas'uul qaran mana ahan inu wuxuu rabo sheego, arintan waxan ugu baaqeynaa in uu sida ugu dhaqsaha badan raali gelin uga bixiyo.." Eng. Yariisow ayaa yiri.

Eng . Yariisow ayaa dhanka kale  tilmaamay in siyaasiyiinta Soomaalidu ay caan ku yihiin marka ay iska arki waayaan xilalka muhiimka ah ee dowladda in ay warbaahinta ka sheegaan dhaliilo badan oo aan sal iyo raad lahay.

Shalay ayey ahayd markii Prof. Cali Khaliif Galayr oo ah siyaasi ruug cadaa ah, xilal kala duwanna kasoo qabtay dowladihii Soomaaliya soo maray uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyey in uu xiriir hoose la leeyahay ururka Al-shabaab.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya