4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2013
Qaraxyo Waaweyn oo ka dhacay Kismaayo iyo Sheekh Axmed Madoobe oo u dhoofay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

Isniin, August 19, 2013 (HOL) — Laba qarax oo waaweyn ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo isla maanta uu magaaladaas ka dhoofay Sheekh Axmed Madoobe oo ku wajahan magaalada Addis Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo is-xigay ayaa waxay ka kala dhaceen xaafadaha Farjanno iyo shaqaalaha, iyadoo midkood uu ahaa miino lagu aasay jidka dhiciisa iyo mid kale oo lagu qariyay jawaan lasoo dhigay waddo weyn.

Inkastoo qaraxyaan aysan geysan wax khasaare ah ayaa haddana markii ay dhacayeen waxaa halkaas marayay ciidammo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM, mana jiraan wax khasaare ah oo kasoo gaaray.

Ganacsiga magaalada iyo isku socodka ayay saameyn xooggan ku yeesheen labadan qarax, iyadoo sidoo kalena muddo kooban hawada isgaarsiintii laga saaray hawada inkastoo ay dib u soo laabtay.

“Qaraxyadu waxay ahaayeen kuwo waaweyn oo magaalada oo dhan si weyn looga maqlay, balse ma jirto wax khasaare ah oo ay ciidamadii jidadkaas marayay iyo dadka shacabka ah kasoo gaaray,” ayuu yiri wariyaha HOL ee Jubbooyinka Xasan Nuur.

Sidoo kale, wariye Xasan Nuur ayaa soo sheegaya in ciidammo maamulka Jubbaland ka tirsan ay gaareen xaafadihii ay ka dhaceen qaraxyada kuwaa oo halkaas ka billaabay howlgallo lagu raadinayo kooxihii weerarkaas ka dambeeyay, inkastoo aysan jirin cid sheegatay.

Dhanka kale, waxaa magaalada Kisamayo isla maanta ka dhoofay wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Jubbaland, Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) oo u dhoofay dalka Itoobiya, halkasoo uu kaga qaybgalayo shir looga hadlayo arrimaha Jubbooyinka oo ay ka qaybgeli doonaan madaxda dowladda qaarkood.

Shirkan ayaa la sheegay in looga hadli doono xaaladda maamulka Jubbaland oo ay jiritaankiisa si weyn uga soo horjeeddo dowladda Soomaaliya, iyadoo uu horay ugu sugnaa magaaladaas wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland, C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Tan iyo markii la dhisay maamulka Jubbaland oo dhaliyay muran xooggan oo dhinaca siyaasadda ah ayaa waxaa xilliyadii dambe dadaallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisaddaas, kuwaasoo ay gar-wadeen ka yihiin dalalka dariska la ah Soomaaliya qaarkood sida xukuumadda Itoobiya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya