4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo Xayiraadii ka qaaday Wargeyska HUBAAL iyo Jawaabta Ururka saxaafadda Somaliland

Isniin, August 19, 2013 (HOL) — Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA, ayaa madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyey xayiraaddii uu ka qaaday wargeyska madaxa banaan ee HUBAAL oo maxkamadda Hargeysa xayiraad saartay.

Gudoomiye ku xigeenka ururka SOLJA Maxamed Cabdi Guuleed (Curad) oo war-saxaafadeed ka soo saaray xayiraad ka qaadistaasi madaxweynuhu ku sameeyey  wargeyska iyo maamulkiisaba, ayaa sheegay in talaabadaasi madaxweynuhu qaaday ay ahayd mid hore loo qaaday.

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu ku bogaadinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), go’aanka geesinimada leh ee isugu jiray Xayiraad-ka-qaadista Wargayska HUBAAL iyo Cafis uu u fidiyey Maareeyaha iyo Tifaftiraha isla Wargayskaa Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) Iyo Xasan Cabdillaahi Xuseen (Xasan-Keefkeef)”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi ka soo baxay Ururka Solja, waxaana uu intaas ku daray “ Wargayska Hubaal oo Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex (Hargeysa) xayiraad kusoo rogtay 11th June 2013, halka labada masuulna isla Maxkamada Gobolku ay 3 July, 2013 ku riday xukuno isugu jiray hal Sanno ilaa labada Sanno oo xadhig iyo ganaax lacageed oo dhan laba Milyan oo Shilinka Somaliland ah midkiiba (2,000,000)”.

Ururka SOLJA, ayaa sheegay in muddadii hawshani jirtay door muhiim ah ka qaatay sidii xal looga gaadhi lahaa Duruufaha Wargayska HUBAAL, waxa kale oo uu si gaar ah ugu mahad-naqayaa  xubnaha Wasiirada ee hawsha wargeyska iyo xubno ka tirsan bahda Saxaafada iyo dhamaan inta kale u jeelan hadalka iyo madax-bannaanida Saxaafada, waxaanu Ururka SOLJA u dirayaa Madaxweynaha in tallaabadani noqoto bog cusub oo Caafimaad qaba.

Arrin ayaa ka dambaysay ka dib markii Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah tifaftireyaasha xarumaha warbaahinta ku yeesheen xarunta madaxtooyadda.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha, ayaa cafis u fidiyey xukunkii ay maxkamadda Hargeysa ku riday maamulka wargayska Hubaal iyo guud ahaan xayiraadii saarnayd, taas oo maanta laga bilaabo shaqadiisa si madax banaan u gudan doonno.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland