4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2013
Ganacsato Soomaaliyeed oo Malaayiin doollar ku Maal-gelinaya dalal Bariga Afrika ku yaalla oo ay ku jirto Somalia (SAWIRRO)


Isniin, August 19, 2013 (HOL) — Da’uus oo ah shirkad ay ku midaysan yihiin ganacsato Soomaali ah saldhiggeeduna yahay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, isla markaana soo saarta alaabaha nadaafadda dhallaanka ee Nuna iyo Bilan oo ay dumarku isticmaalaan ayaa haatan wadda ururinta malaayiin doollar oo ay ku maal-geliso waddamo badan oo ku yaala bariga Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay, si ay u gaarsiiso adeegyadeeda ganacsi.

 Shirkii ugu horreeyey oo hantileyda Soomaalida loogu yeerayo in ay saamiyo [share] ku yeeshaan shirkaddaan ayaa shalay ka dhacay gobolka Minnesota, oo ah meel ay Soomaalida Mareykanku ku badan tahay, hantina ku leedahay, waxaana kulankan uu soo jiitay dad badan oo daneynayey in ay ka faa’ideystaan fursaddaan.

Maxamed Guuleed, oo madax ka ah Da’uus ayaa ka soo qeybgaleyaashii shirka u sheegay in tani ay ka mid tahay fursadaha maal-geshi ee aan wali la daahfurin ee ka jira bariga Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya.

“Waxaan muddadii sadexda sanno ahayd ee ay jirtay Da’uus gaarnay kumanaan macaamiil ah oo ku dhaqan bariga Afrika iyo meelo kale oo dunida ah, laakiin waxaa intaasi dheer oo aan soo aragnay in ay jirto baahi baaxad leh oo ay qabaan dadka ku dhaqan guud ahaan meelaha aan tagnay, gaar ahaan Afrika,” ayuu yiri Maxamed Guuleed.

Waxaana isagoo hadalkiisa sii wata uu intaasi raaciyey. “Haddii aan xarunta warshaddaan ka furno meel ka mid ah bariga Afrika adeegyada aan soo saarno waxaan ku gaarsiin karnaa si dhibyar, sidoo kalena waxaan yareynkarnaa qarashkii baxayey iyo kii aan ku iibinaynay alaabteena.”

Warshaddaan ayaa hirgelinteeda  waxaa ay ku kici-doontaa qarash gaaraya 10 milyan oo doollar-ka Mareykanka ah, iyadoona lacagtaasi loo soo bandhiggay si ay saami ugu yeeshaan kuwa daneynaya maal-gashiga ama dhaqaalaha haysta.

Cabdiraxmaan Yuusuf, oo isaguna ka mid ah madaxda shirkaddan ayaa sheegay in ay qiimayn ku soo sameeyeen 12 waddan oo ku yaalla Afrika, islamarkaana ay soo ogaadeen in mid waliba uu leeyahay fursad khaas u ah ganacsiigooda, taasina ay lama huraan ka dhigtay in ay warshaddooda ka furaan.

“Go’aanka ah in aad dhaqaalihiina nagu aamintaan oo aad shuraako nala noqotaan idinka ayaa iska leh, laakiin annagu [Da’uus] waxaan ku qanacsan nahay suuqa jira in aan faa’ido badan ka keenikarno...Maadaama uu yahay mid uu dalab badani ka soo bixi doono,” ayuu  yiri Cabdiraxmaan Yuusuf.

Suuqa dihin ee ka jira Afrika, khaasatan isbeddalka dhinaca ammaanka ah ee ka soo muuqanaya Soomaaliya, ayaa ku dirqinaya qurbe-joogta iyo ganacsatada ka soo jeedda in ay dib maal-gashi ugu sameeyaan, islamarkaana ay hantidooda geliyaan.

Kulankaan ganacsatada iyo hantileyda Soomaalida looogu baaqayo in ay qeyb ka noqdaan maal-gashi lagu sameeyo Afrika ayaa socon doona, iyadoona madaxda shirkaddaan ay ku qaban-doonaan meelo badan oo ka mid ah Mareykanka oo ay Soomaalidu ku nooshahay.




Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota