4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2013
Bannaanbax lagu muujinayay sida looga xun yahay ka bixitaankii MSF ay ka baxday Gudaha Soomaaliya oo ka dhacay Jowhar

Isniin, August 19, 2013 (HOL) — Dibadbax lagu muujinayay sida looga xun yahay ka bixitaankii hay’adda MSF ee gudaha Soomaaliya ayaa ka dhacay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Magaalada Jowhar ayaa waxay ka mid yahay degmooyinkii ay ka howgeli jirtay hay’adda MSF, iyadoo dibadbaxayaasha oo u badanaa haween iyo caruur ay ku qaylinayeen erayo ay kaga xun yihiin bixitaanka hay’adda.

“Hay’adda MSF waxaan ka codsanaynaa inay howlaha caafimaad ay sii wadaan shaqaalaha Soomaalida ah, waayo gargaar caafimaad oo kala duwan ayaan ka heli jirnay hay’adda,” ayay yiraahdeen koox haween ah oo ka qaybgalayay dibadbaxa.

Sidoo kale, dibadbaxa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo guddoomiyaha degmada Jowhar kuwaasoo muujiyay sida ay uga xun yihiin in haweenka iyo caruurtu ay dareemaan adeegyadii caafimaad ee ay hay’ada MSF u qaban jirtay shacabka Soomaaliyeed.

“Dibdbaxan waxaa dhigaya haweenka iyo caruurta degmada, waxayna ka dalbanayaan hay’adda inay howlaheeda sii waddo, haddii kalena ay howsha ku wareejiso shaqaalaha Soomaalida ah, si ay howsha u s9ii wadaa,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Cabdullaahi Caqiil.

Shacabka degmada Jowhar ayaa muujiyay cabsida ay ka qabaan waayidda gargaarkii ay ka heli jireen hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF oo ka howgeli jirtay in ka badan 11-gobol oo Soomaaliya ku yaalla.

Hay’adda MSF ayaa sheegtay inay joojinaysay howlihii caafimaad ee gudaha Soomaaliya ay ka wadday, kaddib markii ay sheegtay inay lasoo darseen xaalado dhinaca ammaanka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya