4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2013
Markab ku Gubtay Meel u Dhow Dekadda Magaalada Berbera ee Somaliland iyo Shaqaalihii saarnaa oo la Badbaadiyay

Axad, August 18, 2013 (HOL) — Markab Kuwa Xoolaha qaada ah oo laga leeyahay dalka Suuriya, ayaa saaka la sheegay inuu ku gubtay meel aan ka fogeyn Dekedda Berbera ee Somaliland.

Markabkan oo ay saarnaayeen 14 qof oo shaqaale ah, ayaa la soo badbaadiyey, inkastoo la sheegay in hal qof dhaawac ka soo gaadhay gubashadda markabkaasi.

Markabkan ayaa la sheegay in hal mar uu ka kacay Olol, kaas oo keentay inuu ku shuf beello isla goobtaasi, haseyeeshee waxa gurmad degdeg ah u fidiyey maamulka dekadda iyo ciidamada xeebaha kuwaas oo soo badbaadiyey dhamaan shaqaalihii Markabka saarnaa.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga sababta dhalisay Dabka Markabkaasi qabsaday, hase-yeeshee, waxay wararka qaar sheegayaan in baadhitaan lagu hayo waxa dhabkaasi keenay.

Markabkan ayaa la sheegay inuu ahaa kuwo xoolaha qaadda, kaas oo sanaddo badan ka shaqayn jiray Dekadda Berbera.

Dhawaan bay ahayd markii Markab kale oo xoolo ka Qaaday Dekadda Berbera uu ku burburay biyaha u dhexeeya Cadan iyo Berbera, taas oo xoolihii iyo wixii uu sidayba ay degeen, inkastoo markii dambe shaqaalihii saarnaa qayb ka mid ah uu badbaadiyey markab dagaal oo marayey meel u dhow  goobta uu markabku ku degay sida ay sheegeen ganacsatadii uu rarnaa markabaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland