3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 18, 2013
Wax-garad iyo Siyaasiyiin soo Jeediyay in Xarunta UNICEF ee Puntland aan laga Rarin Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari


Axad, August 18, 2013 (HOL) — Kaddib markii dhowaan la shaaciyey in xarunta hay'adda UNICEF ee Puntland - oo xilligan ku taal magaalada Boosaaso-  loo rari doono Garoowe, ayaa waxaa arintaas ka hadlay waxgaradka iyo siyaasiyiinta gobolka Bari oo kulan ku yeeshay magaalada Boosaaso.

Bayaan ay gabagabadii kulankooda soo saareen ayey ku sheegeen in arintani ay tahay mid aan habooneyn, iyagoo xusay in hay'aduhu ay qayb ka yihiin meelaha ugu badan ee ay dadku fursadaha shaqo ka helaan, sidaas darteedna ay wax laga xumaado tahay in hal magaalo xarumaha hay'adaha oo dhan la isugu geeyo.

"..Walow Garoowe ay tahay caasimadda Puntland, hadana ma ahan in fursadaha shaqada oo dhan hal magaalo la isugu geeyo, arintani waxay ka hor imaaneysaa mabaadi'da qaybinta kheyraadka iyo fursaha horumarinta nolosha bulshada.." Bayaanka ayaa sidaas lagu sheegay.

Bayaankan oo ay ku saxiixan yihiin in ka badan 100-qof oo isugu jira aqoonyahanno, siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay maamulka Puntland, cuqaal, nabadoonno iyo haween ayaa gabagabadii lagu xusay dhowr qodob oo la tilmaamay in ay muhiim tahay dowladda Puntland in ay ka fiirsato.

Caasimadda Puntland ee Garoowe oo ay ku yallaan inta badan xarumaha dowladda, waxaa sidoo kale deggen in ka badan 40 hay'adood oo isugu jira kuwa Qaramada Midoobey iyo qaar kale oo caalami ah.

Dowladda Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole, waxay intii ay jirtey soo saartay amarro magaalada Garoowe loogu soo raray hay'ado dhowr ah iyo qaar kamid ah xafiisyada shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada, kuwaasoo horay fadhigoodu uu u ahaa xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya













Click here
8/18/2013 6:12 PM EST
Axad, August 18, 2013(HOL)—Maxamed Abshir waa wiil dhalinyaro ah waxuu ku curyaamay shil Mooto horraantii sanadkii 2000, waxii intaa ka danbeeyayna Max'ed waxuu ku socdaa gaariga curyaaminta. Maxamed waxaa lagu arkaa goobaha ay dadku isugu yimaadaan sida masjidka ,suuqyada iyo xafladaha khayriga ah. Billowgan sanadkaan ayuu Max'ed istusay qofka isaga oo kale ah oo ku nool gudaha soomaaliya. Dabcan Dalka Soomaaliya oo ah waddan ay 23 sano dagaal sokeeye ka socdaan waa ay iska muuqataa sidan ay ku nooshahay qof cuuryaan noqday.

8/18/2013 3:24 PM EST
Axad, August 18, 2013 (HOL) — Markab Kuwa Xoolaha qaada ah oo laga leeyahay dalka Suuriya, ayaa saaka la sheegay inuu ku gubtay meel aan ka fogeyn Dekedda Berbera ee Somaliland.

8/18/2013 12:39 PM EST
Axad, August 18, 2013 (HOL) — Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobayu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa walaac kulul ka muujiyay eedeyn ku aaddan kufsi ka dhacay xero militeri oo ay leeyihiin AMISOM. Isagoo xusay inuu soo dhaweynayo go’aaanka ay qaateen dowladda Somalia iyo AMISOM ee ay ku sameyeeyeen guddi baara eedeymaha.

8/18/2013 8:13 AM EST
Axad, August 18, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dowladda Soomaaliya oo ay qayb ka yihiin xildhibaanno iyo bulshada rayidka ah ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

8/18/2013 8:10 AM EST
Axad, August 18, 2013 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay sida ugu haboon ee lagu hormarin karo dhaqanka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ay kasoo qayb galeen madax kala duwan oo kuwa dhaqanka Soomaaliyeed ah.

8/18/2013 6:41 AM EST
Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin iyo boqollaal dadweyne ah ayaa magaalada Nairobi loogu sameeyay wasiirka warfaafinta,boostada iyo gaadiidka Soomaaliya C/laahi Ceelmooge Xirsi.

8/18/2013 3:03 AM EST
Axad, August 18, 2013 (HOL) — Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka fuliyeen Soomaaliya 167 weerar oo isugu jira kuwo toos ah, dilal qorsheysan iyo weliba qaraxyo, kuwaasoo intooda badan ay sheegeen inay ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

8/18/2013 3:02 AM EST
Axad, August 18, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maalmahan socdaal shaqo ku joogay dalka Uganda ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Uganda, Yoweri K. Museveni iyagoo kawada hadlay arrimmo quseeya labada dal.

8/18/2013 2:38 AM EST
Axad, August 18, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay siyaabo kala duwan ugu dilay magaalada Muqdisho laba qof oo shacab ah, kuwaasoo middoo ay ahayd haweeney halka qof kalena uu ahaa rayid. Sidoo kalena waxaa degmada Afgooye ka socda baaritaan ku saabsan dilal degmadaas loogu geystay dhowr qof.