4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2013
Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Somalia oo Maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Axad, August 18, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dowladda Soomaaliya oo ay qayb ka yihiin xildhibaanno iyo bulshada rayidka ah ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wasiir ku xigeenka maaliyadda, Abuukar Cabdi Ibraahim iyo wafdigiisa ayaa tagay Koonfurta Gaalkacyo oo ay ka taliso Galmudug, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo uu horkacayo madaxweyne ku xigeenka maamulkaas.

“Sababta aan halkan u nimid waa inaan kala tashanno maamulka Galmudug kobcinta siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka, waayo markii hore siyaasaddu waxay ahayd mid dibadda laga keeni jiray, balse maanta waxaan doonaynaa inaan kala tashanno maamullada jira iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka oo faah-faahinayay socdaalkooda.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, C/samad Nuur Guuleed oo ka hadlay isaguna socdaalka wafdiga ayaa sheegay inay kusoo dhaweeyeen deegaanka ayna kala hadli doonaan qorshaha ku saabsan New Deal-ka.

Wafdigan ka socda dowladda Soomaaliya ayaa maalmaha ay ku sugan yihiin deegaannada Galmudug waxay kulammo wadatashi ah oo ku saabsan New Deal-ka iyo shirka lagu qabanayo Brussels bisha soo socota ay kala hadli doonaan madaxda maamulkaas iyo ururrada bulshada rayidka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay guddi socdaallo ku saabsan arrimaha la xiriirka shirka Brussels ku taga gobollada dalka horay u saartay, waxaana ay guddiyadan kala hadli doonaan maamullada dalka ka jira baahiyada ay qabaan iyo waxyaabaha ay doonayaan in loo qabto.

Shirka Brussels ayaa lagu wadaa in looga hadlo horumarrinta Soomaaliya iyo dib u dhiskiisa, iyadoo maamulka Somaliland uu horay u sheegay inuusan ka qaybgalay shirka Brussels oo ay ku sheegeen mid loo qabanayo Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya