4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2013
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo xaflad ballaaran oo soo dhawayn ah loogu sameeyay magaalada Nairobi (SAWIRRO)

M1510107.jpgAxad, August 18, 2013(HOL) - Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin iyo boqollaal dadweyne ah ayaa magaalada Nairobi loogu sameeyay wasiirka warfaafinta,boostada iyo gaadiidka Soomaaliya C/laahi Ceelmooge Xirsi.

Xafladan ayaa waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya C/xakiim Daahir Saciid (Gen. Saacid),xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale masuuliyiin horay xilal uga soo qabtay dawladihii hore ee dalka soo maray.

Kulankan oo ujeedkiisu uu ahaa taageero loo muujinayay dawlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo waxqabadkii intii ay jirtay ayaa Isagoo ka hadlayay arrimaha jubbooyinka uu wasriirka warfaafinta Soomaaliya sheegay in ay jiraan wadahadallo u dhexeeya dawlada Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo ka furmay magaalada Addisababa ee caasimada Itoobiya.

“Wadahadallo ayaa bilowday, arrinkan wuxuu ku dhammaan doonaa guul, dawlada Soomaaliyana xaqa ay leedahay ayay qaadanaysaa, Jubbaland iyaduna qaybteeda ayay helaysaa” ayuu yiri C/laahi Ceelmooge.

Waxaana uu ku dheeraaday waxqabadkii dawlada Soomaaliya oo uu sheegay in tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu soo celinayo sharafkii iyo qaranimadii Soomaaliyeed la qaaday.

“Hawadeennii waa soo ceshannay,boostadii waa furnay, manhajkii waxbarasho waa la dajiyay, 100 kun oo caruur ah ayaa sannadkaan iskuulada inay aadaan dawladu u diyaarisay, nimankii shacabka dhibay waa la sifaynayaa labo maalmood gudahoodna Xudur war aad ku faraxdaan ayaad ka maqli doontaan” ayuu yiri wasiirka oo ka sheekeeyay waxqabadka guud ee dawlada iyo kan gaar ahaaneed ee wasaaradiisa.

Ceelmooge ayaa sheegay in dawlada Soomaaliyeed ay si mid ah isula jaanqaaday iyadoo aan filayo inaad ku faraxdeen in la maqli waayay khilaafaadyadii ragaadiyay xukuumadihii KMG ahaa ee naga horreeyay.

“Dawlada Soomaaliyeed waxay ku shaqaynaysaa midnimo buuxda oo aan lahayn wax khilaaf ah, shacabkana waxaa laga doonayaa inay midnimadooda adkaystaanoo ka gudbaan wixii la haray labaatankii sano ee lasoo dhaafay” ayuu yiri Ceelmooge.

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya C/xakiim Daahir Saciid (Gen. Saacid) oo goor dambe kulanka ku soo biiray ayaa sheegay in taliska boolisku ay diyaariyeen qorshihii lagu xasilin lahaa caasimada iyo guud ahaanba qaybaha kale ee dalka.

“Waxaan wadnaa qorshe ballaaran oo lagu xasilinayo dalka, ammaanku sida dadka qaar u qabaan maahan, waxyaabo waa iska dhici karaan laakiin waxaan idiin sheegayaa Ra’iisul wasaaraha dalka iyo xubno ka tirsan xukuumada ayaa xataa xilli dambe oo habaynkii ah caasimada ku soo wareegay, taasina waxay ku tusaysaa in amniga wax wayn iska badaleen" ayuu yiri taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya.

M1510104.jpg

"Inkastoo kooxaha nabad-diidka ah ay isku dayayaan inay shacabka baqdin galiyaan,hadana shacabku ma baqayo waa soo noqdeen kuwii xataa dibadaha jiray oo dalkooda ayay maalgashanayaan” ayuu sii raaciyay Gen. Saacid.

Qaar ka tirsan xildhibaanada dawlada federaalka ah ee Soomaaliya oo kulankaas ka qaybgalay ayaa sheegay inaan la aqbali doonin in siyaasiyiin xilalka ka waayay dawlada ay ku awrkacsadaan arrimaha ka taagan Jubbooyinka.

Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye iyo xildhibaan Axmed Aabi oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa labaduba si kulul u naqdiyay siyaasiyiin ay ku tilmaameen inay dano gaar ah doonayaan inay u isticmaalaan khilaafka Jubbaland kana dhigtaan jaranjaro ay ku weeraraan dawlada Soomaaliya.

Inkastoo aysan si toos ah u magacaabin Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo siyaasiyiin kale oo mucaarad ah oo dhawaanahaan qabanayay shirar looga soo horjeedo dawlada ayaa hadana xildhibaanadani waxay ka digeen in arrinkaas tarraq lagu sii daaro.

Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi oo ah gabar dhalinyaro ah oo ku jirta baarlamaanka Soomaaliya oo iyaduna halkaas ka hadashay ayaa sheegtay in Soomaalida looga baahanyahay inaysan dumin dawlada hada jirta balse ay sii diyaariyaan cidii badali lahayd siyaasiyiinta haatan kuraasta ugu sarreysa ee dalka ku fadhiya hadii ay ku qanci waayaan waxqabadkooda.

“Kulligeen waxaan meesha u nimid inaan idiin adeegno waxaana la idin karabaa inaad diyaarsataan dadkii na badali lahaa afarta sano markay noo dhammaato, waxaana loo baahanyahay in mucaaradadu ay noqoto mid wax dhista” ayay tiri xildhibaanadu.

 Aamina ayaa sidoo kale sheegtay in baarlamaanka Soomaaliya ay qaadeen tallaabooyin muhiim ah oo shuruucdii dalka dib loogu dajinayo.

Waxaana dhammaan kasoo qaybgalayaashii kulanka ka hadlay ay ka dhawaajiyeen muhiimada ay leedahay midnimada Soomaaliya iyagoo ugu baaqay dhammaan dadka dhaliilsan dawlada inay miiska wadahadalka fariistaan.

Waxayna ka codsadeen dawlada Soomaaliya inay albaabada u furto cid walba oo doonaysa inay talooyin ku darsato si dalka looga gudbiyo marxalada adag ee uu haatan ku jiro.

Marka laga tago dhanka siyaasada waxaa kaloo xafladan lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ay ku jiraan gabayo,buraanbur,dhaanto iyo waliba heeso wadani ah oo lagu ammaanayay qaranka Soomaaliyeed.

M1510017.jpg
M1510019.jpg
M1510089.jpg
M1510091.jpg
M1510037.jpg
M1510116.jpg
M1510115.jpg
M1510047.jpg
M1510079.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya