4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2013
Al-shabaab oo ka Warbixisay Weerarro kala duwan oo ay ka Fulisay Gobollo ka tirsan Soomaaliya, Muqdisho iyo Dalka Kenya

Axad, August 18, 2013 (HOL) — Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka fuliyeen Soomaaliya 167 weerar oo isugu jira kuwo toos ah, dilal qorsheysan iyo weliba qaraxyo, kuwaasoo intooda badan ay sheegeen inay ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegay in weerarradan ay ahaayeen kuwo qorsheysan ayna 73 ka mid ah ka fuliyeen Muqdisho oo keliya.

“Weerarrada ay mujaahidiintu ka fuliyeen guud ahaan Soomaaliya waxay gaarayaan 168 weerar oo dhammaantood la fuliyay wixii ka dambeeyay 14-kii bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay, waxaana khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM,” ayuu yiri Abuu-Muscab.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in 56 weerar oo ka mid ah 167-ka weerar ay ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose, 16 ka mid ahna ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose, halka 22-ka weerar ee soo harayna ay ka fuliyeen gobollada kale ee dalka sida: Bay, Bakool, Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Gedo.

“Weerarradan waxay isugu jireen, kuwo toos ah oo lala beegsday xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, miinooyinka lagu aasay dhulka, bam-gacmeedyo lagu tuuray ciidammo iyo dilal qorsheysan,” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab.

Afhayeenku ma auusan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ay ku geysteen weerarradaas iyo kuwa iyaga kasoo gaaray, balse wuxuu xusay inay ka mid ahaayeen qorshayaal ay mujaahidiintu doonayaan inay ku xoojinayaan dagaallada ay ku jiraan.

Dhanka kale, afhayeenka Al-shabaab wuxuu sheegay in weerar qorsheysan ay ku qaadeen gudaha dalka Kenya, deegaan lagu magacaabo Galmagala oo ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sheegay inay halkaas shan askari oo Kenyan ah ku dileen, qalab isgaarsiineed iyo hubka ay kusoo furteen.

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu sheegay inay sii wadayaan weerarrada ay kula jiraan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobollo badan oo Soomaaliya ka tirsa n iyo weerarrada ay la beegsanayaan dalka Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya