4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2013
Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia oo Madaxtooyada Kampala kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dalka Uganda (SAWIRRO)


Axad, August 18, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maalmahan socdaal shaqo ku joogay dalka Uganda ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Uganda, Yoweri K. Museveni iyagoo kawada hadlay arrimmo quseeya labada dal.

Kulankan oo ka dhacay madaxtooyada Uganda ayaa ugu horreyn waxaa ka hadlay madaxweynaha Uganda oo ammaanay sida ay u shaqeeyo goalaha baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan muddadii uu jiray iyo qaybta weyn uga qaateen isbedellada dhanka siyaasadda ah ee ka dhacay Soomaaliya oo ay ugu horreysay doorashii madaxweynaha iyo ansixintii xukuumadda.

Musveveni wuxuu heshiis taariikhi ah ku tilmaamay heshiiskii maalmo ka hor ay kala saxiixdeen baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda, kaas oo labada baarlamaan ay ku midoobeen.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isna kulanka ka hadlay ayaa madaxweynaha Uganda gaarsiiyey salaan uu uga siday madaxweynaha Soomaaliya, asan Sheekh Maxamuud, isagoo dhanka kale uga mahad -eliyay Museveni iyo shacabkiisa sida ay ugu soo dhaweeyeen wafdiga uu hoggaaminayo magaalada Kampala, sidoo kale wuxuu shacabka Uganda uga mahadceliyay sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ka wada-hadalnay arrimmo fara badan oo labada dal muhiim u ah, ugu horreyn waxaan gaarsiiyay salaan aan ka siday madaxweynaha Somalia mahad gaar ah waxaan uga celiyay anigoo ku hadlayay magaca golaha shacabka Soomaaliyeed wada-shaqeynta inoo billaabatay annaga iyo golaha shacabka Uganda, taasoo aan labadeenaba isku waafaqnay inay wax weyn ka tari doonto wada-shaqeynta labada dal ha noqoto qibrad is-dhaafsiga iyo tababarista shaqaalaha. Waxaanna aad ugu rajo weynnahay in heshiiskaas aan wada saxiixannay labadeenna baarlamaan inuu noqdo mid mira-dhala,“ ayuu yiri Prof. Jawaari kulanka kaddib.

Kulanka oo kusoo dhammaaday jawi aad u wanaagsan ayaa guddoomiyaha baarlamaanka waxaa ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda, danjire Sayid Axmed Sheekh Daahir.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya