4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2013
Kooxo hubeysan oo Laba qof oo shacab ah siyaabo kala duwan ugu toogtay Muqdisho iyo Baaritaanno ka socda Afgooye

Axad, August 18, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay siyaabo kala duwan ugu dilay magaalada Muqdisho laba qof oo shacab ah, kuwaasoo middoo ay ahayd haweeney halka qof kalena uu ahaa rayid. Sidoo kalena waxaa degmada Afgooye ka socda baaritaan ku saabsan dilal degmadaas loogu geystay dhowr qof.

Labada qof ee lagu dilay Muqdisho ayaa waxaa ku jirtay haweeney lagu magacaabi jiray Dahabo oo si weyn looga yaqaanay degmadaas, taasoo ay ku toogteen kooxo bastoolado ku hubeysan xaafadda Ciise Cabdi ee degmada Dayniile.

Haweeneydan ayaa la sheegay in kooxaha hubeysan ay ku toogteen gurigeeda 9:00 fiidnimo ee xalay, iyadoo aan la ogeyn sababta loo dilay iyo cidda dilkeeda ka dambeysa. Waxaana uu dilkan qayb ka noqonayaa falalka ammaan-xumo ee ka jira Muqdisho.

Ruuxa kale ee lagu dilay Muqdisho oo rag ahaa ayay kooxo hubeysani ku toogteen suuqa weyn ee degmada Wadajir, iyadoo ruuxan la sheegay inuu ahaa hormuudka dhalliyarada xaafadda suuqa Madiina iyo abaabulihii mid ka mid ah tartamadii Ramadaanka ee ay dhallinyarada degmadaas ka qayb-galeen.

Kooxo dilalkan qorsheysan geystay ayaa goobta ka baxsaday, inkastoo ay ku jiraan howgallo lagu raadinayo kooxahaas ciidammo dowaldda Soomaaliya, waxaana dilalkan ay kusoo beegmayaa xilli ay dowladdu sheegtay in unugyo ka tirsan Al-shabaab oo Muqdisho ku sugan ay burburiyeen.

Dhanka kale, degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa kasocda baaris ay sameynayaan ciidammada ammaanka, kuwaasoo lagu raadinayo kooxo ka dambeeyay dilal degmadaas loogu geystay labadii maalmood ee lasoo dhaafay dhowr qof oo uu ku jiro ruux ka tirasnaa dowladda hoose iyo askari ciidamada dowladda ka tisran.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilalka, balse inta badan dowladda Soomaaliya ayaa falalka noocan oo kale ah ku eedeysa xoogagga Al-shabaab oo dagaal kula jira.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya