4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2013
AMISOM oo ka hadashay dagaal ciidamadooda iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Deegaanka Taabto ee Jubbada Hoose

Sabti, August 17, 2013 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in dagaal ay ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya la galeen Al-shabaab kaga dileen saddex xubnood, tiro intaas ka badanna ay dhaawac uga geysteen.

Dagaalkan ayay sheegtay AMISOM inuu ka dhacay deegaankta taabto oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kaasoo ay sheegeen inuu billoway markii ay Al-shabaab isku dayday inay weerarto saldhigyo ay ciidamadu ku leeyihiin deegaankaas.

“AMISOM iyo ciidamada dowladda waxay ka hortageen weerarkaas, waxayna ku guuleysteen inay ka qabsadaan Al-shabaab rasaas fara badan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay AMISOM soo saartay maanta oo Sabti ah.

Sidoo kale, AMISOM waxay sheegtay in deegaanka Taabto uu saldhig u ahaa ciidamada Sierra Leone tan iyo markii ay howgalkooda ka billaabeen Somalia bishii May e sannadkan.

“Howlgalkeenna waxaa saldhig u ah inaan soo celinno ammaanka guud ee dalka Soomaaliya. Waxaana ballanqaadaynaa inaan sii wadi doonno howlgalka inta laga gaarayo hadafka laga leeyahay,” ayuu ku yiri ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaaliya warsaxaafadeedka AMISOM ay soo saartay.

Dagaalkan oo xalay dhacay ayaa wuxuu ahaa kii labaad oo muddo maalmo kooban gudahood ah ku dhexmara gobolkaas ciidamada dowladda Somalia iyo ay gacanta ka helaan ee AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay ayay ahayd markii weerar noocan oo kale ah uu ku dhexmaray ciidamada isbahaysanaya iyo Al-shabaab magaalada Afmadow oo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose, kaasoo ay sheegtay in lagu dilay AMISOM 24-qof ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya