4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2013
Ururka Dhallinyarada Kanava oo Muqdisho ka qaybiyay Deeq kala duwan oo laga soo dhiibay Waddanka Sweden (SAWIRRO)


Sabti, August 17, 2013 (HOL) — Ururka Dhallinyarada Kanava ayaa maanta deeq kala duwan ka qaybiyay magaalada Muqdisho, deeqdaasoo isugu jirtay dhar, kabo, gawaarida naafada, sariiro iyo qalab kale oo caafimaad.

Deeqdan oo uu soo dhiibay urur laga leeyahay Sweden ayaa lasoo mariyay ururka dhallinyarada Kanava, waxaana si wadajir ah u qaybiyay ururka iyo ururka Rotary International; iyagoo ugu horreyntii ka qaybiyay kaam lagu magacaabo Farjano oo ku yaala waddada Tarabuunka, halkaasoo ay ka bixiyeen gawaari fara badan oo ah kuwa isticmaalaan dadka naafada ah iyo biraha curyaamiinta.

Sidoo kale, haweenka iyo caruurta ku jira xerada Farjanno ayaa iyagana loo qaybiyay dhar iyo kabo, iyagoona si weyn uga mahad-celiyay deeqdaas oo si toos ah uga timid dalka Sweden, waxayna barakacayaashaasi xuseen inay u qabeen baahi weyn deeqdan.

Dhinaca kale, ururka dhallinyarada Kanava ayaa lugtii labaad ee qaybinta deeqda waxay geeyeen Isbitaalka Keysaney ee Muqdisho, deeqdaasi oo isugu jirtay sariiro iyo qalab kale oo caafimaad.

C/llaahi Caddaan Maxamed oo ka socday ururka Rotary International oo laga leeyahay dalka Sweden ayaa khudbad kooban oo uu ka jeediyay ku sheegay in deeqdan ay ugu talo-galeen isbitaalka Keysaney, maadaama uu qabto howlaha bani'aadaminimo oo aad muhiim u ah, isagoo intaas ku daray inuu ururka Kanava door weyn ka qaatay sidii deeqdan loosoo gaarsiin lahaa halkan.

“Waa markii labaad oo aan deeq keenno isbitaalka Keysaney, waxaana weli diyaar u nahay inaan gacan buuxda ka geysano sidii loosoo gaarsiin lahaa deeqo kale oo kala duwan," ayuu yiri C/llaahi Caddaan oo munaasabadda guddoonsiinta deeqdan ka hadlaly.

Madaxa howlwadeennada isbitaalka Keysaney, Cali Yuusuf Maxamed (Cali Bile) oo isaguna ka hadlay goobta ayaa u mahad-celiyay ururrada Kanava iyo Rotary International wuxuuna sheegay in qalabkani uu muhiim u yahay bukaannada isbitaalka ku jira oo wakhti badan ay ku qaadato inay helaan sariiro iyo qalab kale oo lagu baxnaaniyo, isagoo intaasi raaciyay in baahida isbitaalka ay ka weyn tahay deeqdaan uga timid dalka Sweden, inkastoo uu sheegay in qalabkani daboolayo qayb ahaan baahiyaha loo qabo deeqo kale oo dheeraad ah.

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada Kanava, Salaad Xasan Cali iyo Yuusuf Maxamed Cali oo isna ka socday ururka laga leeyahay wadanka Sweden ee lagu magacaabo Rotary International waxayna labaduba sharaxaad dheer ka bixiyeen bixiyeen qaabka loo isticmaalo qalabka caafimaad ee la Keysaney la guddoonsiiyay.

Labadan mas'uul ayaa si gaar ah madaxda isbitaalka ugu sharxayay habka loo isticmaalo qalabka cusub ee loo adeegsado goobaha caafimaadka oo loogu talo-galay inay isticmaalaan bukaannada qaarkood kaasoo aan horay dalka u oolin.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya