4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2013
Guddigii loo Xil-saaray Baaritaanka Eedeymo ku saabsan Kufsi ay geysteen Ciidamada AMISOM oo Maanta Howlgalay (SAWIRRO)


Sabti, August 17, 2013 (HOL) — Guddiyo uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu u xilsaaray baaritaanka haweeney kufsi ay u geysteen ciidamada AMISOM oo ahaa guddi heer wasiir iyo mid farsamo ayaa maanta howshoodii ugu horreysya billaabay, iyagoo u tagay gabadhii dhibbanaha ahayd.

Guddiyadan oo ay madax u tahay wasiiradda adeegga bulshada, Maryam Qaasim Axmed ayna xubno ka yihiin wasiiro iyo saraakiil ciidan ayaa saaka booqday xarun ay ku sugan tahay haweeneyda la kufsaday, waxaana si gaar ah haweeneydaas xog-wareysi ula yeelatay, Maryam Khaasim oo guddiyada hor-kaceysay.

Shir jaraa’id oo ay warbaahinta ugu qabatay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayay ku sheegtay Maryan Qaasim kaddib booqashada ayay ku sheegtay in saaka ay guddiyadu booqdeen gabadha dhibanaha ah ayna la kulmeen, waxayna xustay inay weli sii wadi doonaan baaritaannadooda, warbixin buuxdana ay u soo bandhigi doonaan warbaahinta marka ay baarista dhameystiraan.

“Wax tallaabo ah lama qaadi karo iyadoo aan la helin xog rasmi ah iyo sidoo kale caddeymo. Sidaasi darteed, weli waxaan ku jirnaa ururinta xogta arrintan ku saabsan, waxaana idiin xaqiijinaynaa marka lasoo gabagabeeyo xog ururintan in cid kasta oo ku lug yeelata loo cuskan doono sharciga dalka u yaalla,” ayay tiri Maryam Qaasim.

Dhanka kale, wasiirradda ayaa beenisay warbixinnada sheegaya in 10-kii haween ah ee Soomaaliyeed sagaal ka mid ah ay la fara xumeeyo, waxayna xustay inay tahay ka bad-badis iyo been abuur. “Arrintan waa mid been abuur iyo ka badbadis ah, raggii Soomaaliyeed ee sharafta iyo haybadda lagu yaqiinay iyo ciidamadii qalabka siday ee u taagnaa in illaa heerkaas la gaarsiiyo dalka uma dulqaadan doonno in laga sameeyo been abuur intaas le’eg.”

Guddiyadan ayaa waxay ugu dambeyn kulammo gaar ah la qaateen ra’iisul asaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, iyagoo uga warbixiyay halka ay howlahooda marayaan iyo booqashadii ay ugu tageen gabadhii dhibka loo geystay ee Soomaaliyeed.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya