4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Xariga ka jaray Madaarka Magaalada Hargeysa oo Ballaarin lagu sameeyey (SAWIRRO)


Sabti, August 17, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalilnad Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa maanta xadhiga ka jaray dib u habayn iyo casriyeyn lagu sameeyey madaarka magaaladda Hargeysa.

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyey dib u habaynta lagu sameeyey madaarka ayaa waxa ka soo qaybgalay wakiiladda caalamiga ah ee Hay’adaha u jooga Somaliland, xubno ka socda safaaradda Ingiriiska, wakiilo ka socda dawladdii maalgalisay ee Kuwayd, Wasiiro, shirgudoonka golaha Guurtidda iyo Wakiiladda iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Wasiirka Duulista Hawadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka waramay mudadii uu xidhnaa iyo hawlihii balaadhnaa ee ay ka qabtayn dib u dhiska madaarka, waxaanu sheegay inay uga mahad celinayaan dawladda Kuweyd oo bixisay Maaliyadda ku baxaysay dhisidda Run-way-ga madaarka, waxa kale oo uu sheegay in dhismaha kale ee madaarkana ay bixisay dawladda Somaliland.

“Waddada diyaaradaha ee aynu maanta furayno oo lagu sameeyey dib u habayn iyo casriyeyn ka kooban 4,266 m, waxa la sameeyey 1958 oo dawlada ingiriisku samaysay, diyaaradaha loogu tala galay wakhtigaas inay ka soo degaan iyo dadka loogu tallogalay inay ka dhoofaan waxay ahayd mid aad u kooban”ayuu yidhi wasiirka Duulista Hawadda Xaashi oo ka hadlayey wakhtigii garoonka la sameeyey.

Wasiirka waxa uu intaas ku daray “Mudadii ay jirtay dawlada Soomaaliya wax hawla oo laga qabtay may jirin, taas oo muujinaysa in qaniimadaas wadanka Soomaaliya aan si siman loo qaybsan,  maanta waxaynu dib u adkayn ku samaynay Run way-gii hore ee ay dawlada dhistay iyada oo dawlada Kuwait ku bixisay Toban milyan oo doollar”.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay waxqabadka xukuumadiisa iyo dhismaha mdaarka lagu sameeyey waxa uu yidhi  “wax qabadyada aanu qabano ugu danbayn mayso tan garoonka diyaaradaha, waanu sii kordhin doonaa, ka sii badin doonaa, waxay umadu xilka noogu dhiibatay waa inaanu ummadda wax ku soo kordhino  oo aanu horumarino, horu kicino waji kasta oo ay tahay iyo wax kasta oo nolosha dadweynaha saamaynaya”.

“Madaarka Qaranka ee Cigaal International ee  ku yaala magaalo madaxda qaranka  waxa weyn ee ka qabsoomay iyo horumarka uu sameeyey waa mid aynu ku faanayno, waana mid aynu uga mahad naqayno cid kasta oo inaga caawisay dib u habaynta garoonka, anaga oo aad ugu mahad naqayna dawlada Kuwait, waxaan hambalyo balaadhan u soo jeedinayaa wasiirka Duulista iyo hawada iyo shaqaalaha wasaarada waxa weyn ee qiimaha leh ee ay halkan ka qabteen”ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daraa.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin badan, kuwaas oo dhamaantoodba amaanay waxqabadka lagu sameeyey madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee magaaladda Hargeysa.










Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland