4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2013
Maamulka Gobolka Hiiraan oo kulan Wadatashi iyo is Xog-weydaarsi ahaa la yeeshay Qaybaha Bulshada Baladweyne (SAWIRRO)


Sabti, August 17, 2013 (HOL) — Kulankii ugu horreeyay noociisa noociisa ayaa waxaa magaalada Baladweyne ku yeeshay mas'uuliyiinta maamulka gobolka iyo qeybaha bulshada oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyayaasha xaafaddaha magaalada, waxgarad, odayaal-dhaqmeed, ururada dhalinyarrada, haweenka iyo madaxda hay'addaha samafalka ka howlgala gobolka Hiiraan.

Kulanka oo ahaa mid uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay waxqabadka maamulka mudadii koobneyd ee uu jiray iyo haddii ay jiraan caqabado ka horyimid oo u baahan in si wada jir ah looga gudbo.

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa warbixin ka siiyay qeybihii bulshada kulanka ka soo qeyb-gallay waxqabadka maamulka oo hadda jira  Afar 4  bilood 15 casho [Afar bilood iyo toban iyo shan casho] iyo guulaha lagu talaabsaday  isaga oo sheegay in mar marka leys bar bar dhigo mudada kooban ee uu maamulku jiro iyo waxqabadka la oran karo waa bilow fiican oo u baahan in horay looga sii socdo.

“Waad la soctaan halka aynu wax ka biloownay, waxaan shaqada ka soo biloownay meel Eber ah oo hoose, xafiis dowladeed oo lagu shaqeeyaa ma jirin, ciidamadu ma'aheyn kuwo nidaamsan, xarumihii ammniga waa ay bur bursanaayeen, waxaan howsha biloownay xili adag oo wax walba u baahnaayeen in la toosiyo, laakiin waxaa oran karnaa waqtigii koobnaa ee aan maamulka joognay waxaa suuragashay in wax badan oo isbadal ah aan sameyno, waa ay jiraan wax badan oo noo dhiman laakiin waxaan is leenahay meel wanaagsan ayaa hadda la marayaa oo laga sii socon karo,'' ayuu yiri guddoomiyahay maamulka gobolka Hiiraan.

Maamulka gobolka Hiiraan  ayaa isaga oo kaashanaya saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM markii uu talada la wareegay waxaa uu diirada saaray wax ka qabashada ammniga, iyada oo laga anbaqaadayo dhismaha ciidamada iyo tayeeyntooda, waxaana lagu guuleystay in ciidamo ka badan 1000 askari loo tababaro maamulka gobolka Hiiraan, kuwaa oo hadda si buuxda gacanta ugu haya nabad-galyada magaalada Baladweyne.

“Ciidamadaas markii ay tababarka soo dhameysteen shacabka laguma sii dhax-deyn, laakiin waxaa la dajiyay xarumo u gaar ah, askari walba oo ka tirsan ciidamada waa uu leeyahay aqoonsi  ID Card  tilmaamay in uu yahay askari ka tirsan ciidamada, taasoo xitaa wax weyn ka tari karta ammniga oo askarigii aan laheyn aqoonsi loo arki karo in uu yahay shaqsi nabad-galyada qal qal galin kara,'”

Sidoo kale maamulka gobolka Hiiraan ayaa xoogga saaray hagaajinta daqliga soo galla maamulka, gaar ahaan canshuurta laga qaado shacabka oo markii ugu horeysay loo tababaray dhalinyarrada soo dhameysta dugsiyada sare ee magaalada oo loo kala qeybiyay dhowr kooxood oo qeyb walba ku howlan tahay shaqo gaar ah dhamaantood ku saleysan soo ururinta daqliga ama canshuurta.

“Qofka shacabka canshuurta ka qaadaya marka ugu horeysa waa in uu yahay shaqsi lagu kalsoonaan karo aqoontiisa, aqlaaqdiisa, ammaanadiisa, iyo howl-karnimadiisa, waana tan keentay in aynu u xuluno arintaa iyada ah dhalinyarro aqoon leh oo bulshaduna aamini karto.”

Maamulka gobolka ayaa sidoo kale mudadii  uu jiray ku guuleystay in uu bulshada ku qanciyo bixinta canshuurta kadib markii la bilaabay in daqliga soo galla gobolka dib loogu celiyo adeegyada muhiimka u ah kaabayaasha nolasha sida dhismaha xurmihii dowladda oo uu ka mid yahay xasbiga dhexe ee magaalada, dhismaha iyo dib u hagaajinta jidadka bur bursan, wax ka qabashada ammniga, iyo la socoshada hadba xaaladaha ku soo kordha xarumaha bulshada u haya adeegyada muhiimka ah sida goobaha caafimaadka oo uu ka mid yahay isbtaalka gobolka si loo daboolo baahiya markaa ka jira.

Wax-qabadka maamulka ee la soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa nidaamka Dirseeynta oo xaafad walba iyo laanta kasta oo ka tirsan magaalada isku xiraya si loola socdo hadba wixii soo kordha arintaa oo laftirkeeda marka la eego qeyb ka qaadan karta wax ka qabashada ammniga, waxaana xil weyn iska saaray hergalinta nidaamkan  maamulka degmada Baladweyne.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa dhinaca kale siweyn u dhaliilay hay'addaha samafalka ka howlgala gobolka, gaar ahaan magaalada Baladweyne oo aan la iman ayuu yiri wax qabad dhab ah oo bulshadu ku qanci karto.

“Runtii hay'addaha marka aynu ka hadalno dhaliil ayeeynu u jeedineynaa, waa ay ka gaabiyeen adeegyadii ay bulshada ka filayeen, wixii hadda ka danbeeya waxaa jiri doona isla xisaabtan dhab ah, maamulka gobolka bulshada ayuu wakiil ka yahay, waa in uu ka tarjumo mar walba baahiyaha bulshada heysta, sidaa daraadeed si gaar ah ayaan ula socon doonaa wax qabadka hay'ad kasta, annagana ka maamul ahaa waxaa waajib nagu ah in aynu sugno ammnigooda,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Kulanka wada-tashiga ah ee dhaxmaray maamulka gobolka iyo qeybaha bulshada ku dhaqan magaalada oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay dhinacyadii ka qeyb-gallay oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin mas'uuliyiintii maamulka gobolka iyo bulshada oo meel inta ay wada fariistaam uu dhaxmarayo isla xisaabtan iyo xog is dhaafsi, taasoo muujineysa in maamulku yahay mid la wada leeyahay oo ku dhisan tallo wadaag.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya