4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2013
Afar ka tirsan saraakiisha Booliiska Kenya oo lagu dilay Weerar lagu qaaday Deegaan ku dhow Xadka Somalia iyo Kenya

Sabti, August 17, 2013 (HOL) — Afar sarkaal oo ka tirsan booliiska Kenya ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday deegaan lagu magacaabo Galmagalla oo ku yaalla xadka Somalia iyo Kenya u dhexeysa, kaddib markii ay weerareen deegaankaas 40-nin oo aad u hubeysan, kuwaasoo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaabta Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Waqooyi-bari ee Kenya ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay kasoo tallaabeen soohdinta ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, markii uu weerarku dhammaadayna ay halkaas dib ugu laabteen.

“Afar ka tirsan saraakiisha booliiska Kenya ayaa la dilay intii uu weerarku socday, waxaanan hadda diyaarinaynaa sidii aan maydadkooda ku qaadi lahayn,” ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Galmagalla oo rabshaddu ah ka dhacday Rashiid Khattor.

Sidoo kale, waxaa weerarkaas lagu dhaawacay macallin iskuul oo rasaastu ay ugu tagtay gurigiisa. Iyadoo weerarkan uu noqonayo kii ugu dambeeyay oo kooxo hubeysan ay ku weerareen deegaan ka tirsan Waqooyi-bari Kenya.

Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Al-shabaab ay sii daysay laba ruux oo u dhashay dalka Kenya, kuwaasoo ay kusoo qafaalatay dagaal ka dhacay gudaha Kenya oo ay Al-shabaab qaadday, gacantoodana ku jiray muddo 18-bilood ah.

Weerarrada noocan oo kale ah ayaa waxay curyaamiyeen dalxiiskii Kenya loo imaan jiray, kuwaasoo ka mid ahaa kuwa uu dalkaas ka heli jiray lacag fara badan, iyadoo taasi ay keentay inay Kenya ciidammo u soo dirto gudaha Soomaali si ay ula dagaalamaan Al-shabaab.

Tan iyo markii Kenya ay kumannaan ciidamadeeda ah u dirtay gudaha dalka Soomaaliya waxaa dhacayay weerarro ay Al-shabaab ka geysanayso qaybo ka tirsan dalka Kenya oo ay ku jirto magaalada Nairobi ee xarunta dalkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya