4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2013
“Haddii dalka aan loo sameyn sharci adag, Lagama adkaan karo Al-shabaab iyo kuwa dhibka geysanay” C/kaafi Hilowle

Sabti, August 17, 2013 (HOL) — Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir, C/kaafi Hilowle Cismaan ayaa maanta sheegay in dadka loo qabto inay ka tirsan yihiin Al-shabaab la iibsado, inkastoo uusan sheegin cidda falkas ku lugta leh.

C/kaafi ayaa ka dalbaday madaxda sare ee dalka inay sameeyaan sharci adag oo arrintaan looga hortegi karo, haddii kale aan waxba laga qaban karin falalka ammaan-darro ee habeen iyo maalin ka dhaca Muqdish oo ah xarunta Soomaaliya.

“Dadka Al-shabaab ka tirsan ee lagu soo qabto Muqdisho waa la iibsadaa, arrintaas waa mid cad,  waayo kuwo inta lasoo qabtay la xiray ayaa lasii daayay, kuwaasoo Muqdisho ku dilay askartii soo qabatay,” ayuu Hilowle ku sheegay hadalkiisan.

Xoghayaha oo si caro leh u hadlayay ayaa sheegay in haddii madaxda ugu sarreysa dalka ay wax ka qaban waayaan iibsiga xubnaha Al-shabaab ka tirsan ee lasoo qabtay ay imaan doonto in ammaanka caasimadda uu ka baxo faraha.

“Madaxda dalka waxaan u sheegaynaa in dal aanu sharcigiisu adkeyn uusan hagaajin, sharci adagna laga soo saaro arrinta iibsiga dadka Al-shabaab ka tirsan ee Muqdisho lagu qabto, haddii taas aan waxba laga qabanna ma heil doonaan shacabka Soomaaliyeed nabad,” ayuu xoghayuhu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, xoghayaha gobolka Banaadir ayaa ka sheekeeyay dhiabatooyin dhowr ah oo ay geysteen dad uu sheegay in lasoo xiray oo laga sii daayay xabsiga, kuwaasoo uu ku jiray sida uu sheegay ruux dhawaan dilay askari  ku sugnaa isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan ka codsanaynaa saraakiisha ciidamada in ruuxii ay soo qabtaan oo ka tirsan Al-shabaab goobtiisa lagu toogto,” ayuu hadalkiisa ku daray C/kaafi Hilowle Cismaan, oo madaxda dowladda si aad ah ugu boorriyay in sharciga dalka la xoojiyo si ammaanka loo sugo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo xoghayaha maamulka gobolka Banaadir uu ka hadlo arrimo ku saabsan in la iibsado dadka loosoo qabtay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya