4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2013
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Maanta Xukun dil ah ku fulisay qof ku eedeysnaa inuu Wariye ku dilay Muqdisho


Sabti, August 17, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay eedeysane lagu helay inuu sannadkii hore ee 2012 uu Muqdisho ku dilay ka tirsanaa bahda saxaafadda Muqdisho.

Eedeysanaha la toogtay ayaa waxaa xukunno dil ah ku riday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga dalka iyo maxkamadda sare, iyadoo ay maanta noqotay maalitii la toogtay. Waxaana ninkan la toogtay uu ka hor qirtay maxkamadda inuu dilay wariye Xasan Yuusuf Abgsuge.

Ruuxa la toogtay oo lagu magacaabi jiray, Aadan Sheekh Cabdi Sheekh Xuseen oo24-jir ahaa ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa xubin ka tirsan Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.

“Xukunkan wuxuu ahaa midkii ugu horreeyay ee lagu rido ruux lasoo qabtay inuu dilay wariye, waxaana ku faraxsannahay in howshan ay noqonayso mid joogto ah oo aan halkan looga hari doonin, kuwa dilalka u geysta shaqaalaha warbaahinnada dalka,” ayuu yiri afhayeenka maxkamadda ciidamada, Col. C/llaahi Muuse Keyse.

Afhayeenku wuxuu sheegay inay ka go’an tahay in dadka lagu helo falalka ay ka mid yihiin dilalka ee lala beegsanayo dadka wax-galka u ah bulshada ay toogan doonaan, isagoo sheegay in taasi ay sabab u noqon karto inay ka yaraadaan magaalada dilalka qorsheysan.

Marxuumka la dilay maanta ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo loo dilo in uu ka dambeeyay dil wariye loogu geystay Muqdisho, iyadoo aysan jirin cid horay loogu qabtay dilalka wariyeyaasha loona horkeenay maxkamad.

Xukunkan dilka ah ayaa ka dhacay barxadda iskoolka booliiska Muqdisho, iyadoo halkaas ku sugnaayeen saraakiil ka socda ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir.

Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir, C/kaafi Hilowle Cusmaan oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in dadka loo qabto inay Al-shabaab ka tirsan yihiin la iibsado, isagoo ka dalbaday madaxda dalka inay arrintaas sharci adag kasoo saaraan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya