4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2013
Dadweynaha ku dhaqan Degmada Qardho oo cabasho Xooggan ka muujiyay biyo la'aan baahsan oo ka Jirta Degmadaas

Sabti, August 17, 2013 (HOL) — Waxaa todobaadyadii u danbeeyey isa soo taraysey cabashada dadweynaha ku dhaqan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, kaddib markii ay halkaas biyuhu aad gabaabsi ugu noqdeen.

Biyo la’aanta ka jirta magaalada Qardho – oo ah magaalo ay dadku si aad ah ugu xagaa baxaan xilliga kuleylaha- waxay sababtay in qoysas badan oo halkaas u xagaa baxay ay dib uga soo laabtaan.

Duqa degmada Qardho Maxamed Siciid Hogaamo Laroor oo la hadlay shabakadda Hiiraan Online ayaa ka warbixiyey saameynta ay biyo la’aantu ku yeelatay magaalada iyo weliba waxa sababay.

Hogaamo Laroor ayaa sheegay in qaar kamid ah ceelashii degmada Qardho biyaha siin jirey ay gureen, qaar kalena ay cilado farsamo darteed u shaqeyn la’yihiin "Biyo la'aantu magaalada saameyn weyn ayey ku yeelatay. Magaaladu waa magaalo sideedaba iska biyo yar, haseyeeshee waxaa arinta sii murjiyey tobannaan kun oo qoys oo xagaa bax ahaan xiliga kuleylka magaalada usoo degay" Duqa Qardho ayaa yiri.

Mar ay Hiiraan Online wax ka weydiisey sababta ay maamulka Qardho qorshe cad uga yeelan waayeen arintan oo ah mid sanad walba soo noqnoqota, wuxuu tilmaamay in ay tahay mid u taal dowladda dhexe maadaama ay jirto hay'ad dhan oo dhanka biyaha u qaabilsan Puntland.

Shirkadaha ganacsiga iyo qurbe-joogta degmada kasoo jeeda ee caalamka ku firirsan ayuu ku booriyey in ay arintan xil weyn iska saaraan, isagoo sheegay in loo baahan yahay shirkado maalgashi ku sameeya ceelal waaweyn oo baahida biyaha dabooli kara.

Degmada Qardho oo ah magaalo cimilo fiican leh, waxaa sannad walba marka la gaaro xagaaga taga tobannaan kun oo qoys, kuwaas oo badidoodu ka baxa magaalada Boosaaso oo xilliga xagaaga aad u kulul.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya