4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia iyo Wafdigiisa oo la Kulmay Ardayda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda (SAWIRRO)


Sabti, August 17, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo socdaal ku jooga magaalada Kampala ee xarunta dalka Masar ayaa kulan la qaatay ardayda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugna dalkan Uganda.

Kulankan oo ka dhacay hoolka shirarka ee hoteelka Afrikaano ayaa waxaa ugu horreyn hadallo ka jeediyay xubno ka tirsan jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda oo uga mahad-celiyay guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisa sida ay jaaliyadda iyo ardaydaba fursad ugu siiyeen inay kala hadlaan marxaladda Soomaaliya si ay wax badan uga ogadaan.

Intaa kaddib waxaa halkaas ka hadlay ardayda wax ka barta dalka Uganda iyagoo fursad loo siiyay inay guddoomiyaha baarlamaanka weydiiyaan wixii su’aalo ah oo ay qabaan, waxayna weydiiyeen su’aalo dhowr ah oo la xiriira wax ka bedel la sheegay in lagu sameeyo dastuurka dalka, mushaaraadka ciidammada iyo arrimo kale oo badan.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Jawaari oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horreyn uga mahad-celiyay jaalliyadda iyo ardayda kasoo qeyb-galka kulankan iyo sida ay dalkooda ugu heelan yihiin horumarkiisa waxaana uu guddoomiyaha baarlamaanka ka jawaabay su’aalo la weydiiyay.

Prof. Jawaari ayaa sheegay inaysan jirin in wax laga bedelay dastuurka dalka tan iyo markii sida KMG ah loo ansixiyay, isagoo wararka arrintaas ku saabsan ku sheegay kuwo aan sax ahayn.

Dhinaca kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka jawaabay su’aal kale oo ku saabsan mushaaraadka ciidammada xoogga ayaa sheegay in dhawaan uu baarlamaanku go’aamiyey in la kordhiyo mushaarka ciidamada halkii $100 ay ka qaadan jireen la siiyo askarigiiba $200. Sidoo kalena raashinka askari walba laga dhigo $60. Mushaaraadka ciidamadana aan laga sugi doonin wixii hadda ka dambeeya beesha caalamka, balse ay dowladdu bixin doonto ayna noqon doonaan ciidamadu kuwa ugu horreeya ee mushaarka la siiyo.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Somalia, Mahad Cabdalla Cawad oo isaguna ka hadlay kulanka ayaa ka jawaabay su’aal ay weydiiyeen ardayda kulanka kasoo qaybgalay qaarkood, kuaawsoo la xiriira in dowladdu ay maamullada qaarkood ka hor istaagtay in ardayda ku nool la siiyo deeq-waxbarasho oo dibadda ah, wuxuuna ardayda u sharraxay inaysan arrintaasi jirin oo dowladdu ay mar walba dadaal ugu jirto sidii ay ardayda Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen deeqo waxbarasho oo dibadeed.

Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim oo ah guddoomiyaha guddiga dastuurka ee baarlamaanka Soomaaliya oo iyaduna gabagabadii kulanka ka hadashay ayaa ardayda uga jawaabtay su’aalo la xiriira dastuurka gaar ahaan arrinta uu ka ka cabanayo maamul goboleedka Puntland oo ah in dastuurka wax ka bedel lagu sameeyay. Waxayna ku jawaabtay: “Dastuurka isagoo u qoran sidii loo saxiixay ayuu yaallaa, mana jirto cid wax ka badedshay.”

Dhanka kale, waxay ka warbixisay marxaladaha uu dastuurku soo maray iyo kuwa uu marayo oo ah saddex marxaladood, tan koowaad ansixintii ay sida KMG ah u ansixiyeen ergadii ka koobneyd 825-ka xubnood,marxaladda Labaad oo ah mid ay wax kaga bedelayaan baarlamaanka iyo marxaladda saddexaad oo ah midda ugu dambeysa oo ah in shacabku ay aragtidooda ka dhiibtaan, maadaama ay yihiin kuwa awoodda u leh inay iyagu dastuurkooda wax ka bedeli karaan.

Kulanka ay guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisa la qaateen ardayda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa kusoo dhammaaday jawi aad u wanaagsan, iyadoo gabagabadii kulankana ay ardayda Soomaaliyeed ee Uganda shahaado sharaf guddoonsiiyeen guddoomiyaha baarlamaanka.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya