4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2013
Deggenaasho La’aan weli ka Taagan Magaalada Qaahira ee Dalka Masar iyo Magaalooyinka kale ee Waaweyn (SAWIRRO)


Sabti, August 17, 2013 (HOL) — Xiisado iyo deggenaasho la’aan ayaa weli ka jirta magaalada xarunta dalka Masar ee Al-Qaahira, kaddib markii xalay ay ka dhaceen dibadbaxyo waaweyn oo ay ku dhinteen in ka badan 100-qof oo ka mid ahaa dibadbaxayaasha taageersan Mursi.

Magaalooyinka kale ee Iismaaciiliya, Alexandria iyo kuwo kale oo ku yaalla dalka Masar ayaa waxaa iyagana ka dhacay rabshado iyo dibadbaxyo la mid ah kuwii xalay ka dhacay Qaahira, balse lama oga tirada rasmiga ah ee wax ku noqday.

Ciidamada ammaanka dalka Masar ayaa tan iyo xalay ku hareereysnaa masaajidka Al-Fatxi oo ku yaalla bartamaha magaalada Qaahira, halkaasoo ay ku jiraan dad ka badan 1,000 oo ka mid ah kuwii dibadbaxyada ka qaybgalayay, balse daqiiqado ka hor ayay dadkaas u suurogashay inay kasoo baxaan masjidka oo 12-saacadood ka badan ay ku xayirnaayeen.

Afhayeen u hadlay ururka Akhwaanul Muslimiin ayaa sheegay in dadkii ku xayirnaa masaajidka ay xalay fiidkii galeen, iyagoo diidanaa inay jabiyaan bandow lagu soo rogay Qaahira, kaasoo billaabanaya 7:00 fiidnimo kuna ekaa 6:00 aroornimo.

Hubaal la’aan dhinaca ammaanka ah ayaa ka jira magaalada Qaahira iyo dhowr magaalo oo kale, iyadoo lasoo sheegayo inay jiraan kooxo hubeysan oo mararka qaarkood weeraraya fagaarayaasha ay dibadbaxayaashu ku sugan yihiin.

Dowladda KMG ah ee Masar ayaa ku tilmaantay dibadbaxayaasha Qaahira iyo magaalooyinka ka kale ka dhigaya mudaaharaadyada inay yihiin kooxo argagaxiso ah, waxayna shacabka uga digeen inay u dhawaadaan goobaha ay ku dibadbaxayaan.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono, iyadoo ururka Akhwaanul Muslimiin uu weli ku baaqayo in dibadbaxyada lasii wado inta madaxweynihii ee lasoo doortay looga soo celinayo xukunka, kaasoo hadda u xiran dowladda KMG ah ee ay milaterigu taageerayaan.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya