4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2013
Mudaaharaadyo Rabshado Wata oo Maanta ka dhacay Magaalooyinka dalka Masar iyo khasaare Nafeed oo ka dhashay

Egyptian army soldiers take their positions on top and next to their armored vehicles while guarding an entrance to Tahrir square, in Cairo, Egypt, Aug. 16, 2013.
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Ku dhawaad 50-qof ayaa ku dhintay 300 oo qof oo kalena way ku dhaawacmeen mudaaharaadyo rabshado wata oo maanta ka dhacay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, iyadoo sidoo la sheegay in dhimasho iyo dhaawacyo ay ka dhaceen magaalooyinka kale ee dalkaas.

Didbadbaxaydan oo ahaa kuwo ay ku baaqeen taageerayaasha Akhwaanul Muslimiin oo taageersan madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi oo xabsi ku jira ayaa waxay sababeen isku dhacyo dhexmara iyaga iyo ciidanka ammaanka Masar.

Iskahorimaadka ugu weyn ayaa ka dhacay fagaaraha Ramsiis oo ku dhow fagaaraha Taxriir ee baratmaha Qaahira, iyadoo ciidamadu ay rasaas ku fureen kumannaan ruux oo dibadbaxyo dhigayay.

Dhaawcyada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay dibadbaxyada rabshadaha watay ayaa la dhigayay qaarkood masaajiddo ku yaala magaalada Qaahira si loogu daweeyo, iyadoo dibadbaxyada maanta loogu magac-daray Jimcihii Carada.

Ciidamada booliiska iyo milateriga Masar ayaa ku sugan jidadka waaweyn ee magaalada Qaahira iyo magaalooyinka kale si ay uga hortagaan in dhibaato ay geystaan dibadbaxayaasha oo u muuqda kuwo careysan.

Dowladda KMG ah waxay sheegtay in haddii ay isku dayaan dadka dhigaya mudaaharaadka inay beegsadaan xarumaha dowladda iyo goobaha kale ee muhiimka ah inay u adeegsan doonto rasaas nool ayna layn doonto.

Sidoo kale, saraakiisha dowladda Masar waxay sheegeen in dadka dhigaya dibadbaxaya ay yihiin kuwo argagaxiso ah, iyadoo uga digtay shacabka kale ee Masar inay kusoo biiraan dibadbaxyadan oo ahaa kuwii ugu weynaa eek a dhaca dalkaas, tan iyo Arbacadii lasoo dhaafay oo ay dhaceen rabshado ay ku dhinteen 630-qof sida ay sheegtay xukuumadda Masar.

Xilligan oo uu gabbalku sii dhacayo dalka Masar ayaa waxaa fagaaraha weyn ee Ramsiis ku sugan kumannaan kun oo dibadbaxayaal ah, iyadoo sidoo kale ay ciidamada ammaanka Masar iyo kuwa milateriga oo wata gaadiid dagaal oo uu ka mid yahay taangiga ay ku sugan yihiin jidadka soo gala iyo kuwa ka baxa fagaaraha Ramsiis.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya