3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2013
Dowladda Turkiga oo ku dhawaaqay inay sii wadayso howlaha Samafalka ah ee ay ku Caawinayso Shacabka Soomaaliyeed


Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay sii wadayso howlaha samafalka ah ee ay ku caawinayso Soomaaliya, kaddib markii hay’adda MSF ay maanta joojisay dhammaan gargaarradii ay dalka Soomaaliya ka wadday, kaddib markii ay sheegtay in shaqaalaheeda si toos ah loo beegsado.

Saraakiil u hadlay xukuumadda Turkiga ayaa sheegay in howlaha samafal ee ay ka wadaan Soomaaliya ay sidoodii u sii socon doonaan, maadaama mid ka mid ah saraakiishooda lagu dilay Soomaaliya kuwo kalena dhaawacyo loogu geystay.

“Nooma Muuqato sabab nagu qasbaysa inaan niraahno weerarro naglu soo qaaday ayaan u joojinaynaa gargaarkii bani’aadamnimo ee aan Soomaaliya ka bixinno. Howsha gargaarka waan sii wadaynaa maadama xaaladda amni ee dalka ay tahay si soo wanaagsanaanaysa, tan iyo markii weerarka lagu qaaday qunsuliyaddeenna,” ayay yiraahdeen saraakiisha Turkiga ah oo la hadlay wargeyska Hürriyet Daily News ee kasoo baxa dalka Turkiga.

Dalka Turkiga hay’ado fara badan oo kuwa gargaarka ah iyo shaqaale samafal ayaa kaga sugan Soomaaliya, kuwaasoo ka shaqeeya arrimo ay ka mid yihiin dib u dhiska isbitaalladii burburay, iskuullada iyo caawinta caruurta agoonta ah.

“Inkastoo howlaha samafalka ay hoos u dhaceen markii la weeraray xarun taabacsan safaaraddeenna Soomaaliya, haddana dib ayaan u billownay, waana mid naga go’an inaan howlaha samafalka sii wadno,” ayay saraakiishu hadalkooda ku dareen.

Xarakada Al-shabaab oo sheegatay weerarkii lagu dilay sarkaal ka mid ahaa kuwa safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa haddana waxay Turkiga ku eedeysay inay u adeegayaan reer galbeedka, iyadoo ugu baaqay inay isaga baxaan Soomaaliya, haddii kale ay weerarro la kulmi doonaan.

Dowladda Turkiga ayaa billowday ololaha ay ku caawinayso Soomaaliya 2011 markaasoo uu Muqdisho tagay ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdoga oo ay la socdaan wasiirro iyo qoyskiisa.

Shirkadda diyaaradda Turkish Airlines ayaa waxay ahayd shirkaddii caalmi ah oo ugu horreysay oo ka howl billowday Soomaaliya 20-sano oo colaado ah kaddib, waxaana garoonka diyaaradaha dhawaan lagu wareejiyay shirkad Turki ah oo dib u dhis iyo  casriyeyn ku sameyn doonta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/16/2013 2:23 PM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Itoobiya, Girma Wolde-Giorgis ayaa maanta ka guddoomay warqadihii aqoonsiga danjirenimo, dajiraha cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalka Itoobiya, Axmed C/salaam Xaaji Aadan.

8/16/2013 1:45 PM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Carwo buugaag caalamiga ah ayaa maanta si rasmi ah looga furay bartamaha magaalada Hargeysa, iyadoo furitaanka lagu casuumay aqoon-yahanno iyo qorayaal ka kala yimid daafaha dunida.

8/16/2013 1:12 PM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Ku dhawaad 50-qof ayaa ku dhintay 300 oo qof oo kalena way ku dhaawacmeen mudaaharaadyo rabshado wata oo maanta ka dhacay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, iyadoo sidoo la sheegay in dhimasho iyo dhaawacyo ay ka dhaceen magaalooyinka kale ee dalkaas.

8/16/2013 12:56 PM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Hay’adda dhakhaartiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa maanta oo Jimco ah - 16-August, 2013 - si rasmi ah u joojinaysa howshii caafimaad ee ay ka haysay Soomaaliya, kaddib markii ay maalmo ka hor ku dhawaaqday inay Soomaaliya uga baxayso sababo amni awgood.

8/16/2013 12:18 PM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya oo aaminsan in Kenya ay qayb ka tahay ismari-waaga ka taagan gobollada Jubbooyinka ayaa bilihii ugu dambeeyay dalbanaysay in ciidamada Kenya ee ku sugan gobolladaas ay ka baxaan dalka.

8/16/2013 9:26 AM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Kulan ballaaran oo lagu taageerayay madaxda dowlada Federalka Soomaaliya ayaa Khamiistii shalay aheyd ka dhacay xarunta Lake View ee Magaaladda Minneapolis ee Minnesota, kaas oo ay soo qaban qaabiyeen xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku noolka Gobolkan Minnesota ee dalka Mareykanka.

8/16/2013 9:07 AM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Dagaalyahanno taabacsan Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay maanta gurigiisa ku weerareen Mayoow Teesoow oo horay u ahaa taliyihii nabadsugidda dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya ee degmada Baydhabo, iyadoo lala qafaashay rag kale oo la joogay.

8/16/2013 8:56 AM EST
Jimco, August 16, 2013(HOL) :- Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa lala eegtay gaadiid nooca raaxada oo uu watay Ugaas C/qaadir Sheekh Axmed oo kamid ah ugaaysada caanka ah ee gobolka J/hoose.

8/16/2013 4:02 AM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa shaacisay in 80,000 oo qoxooti Soomaaliyeed oo ku noolaa dalkeeda ay si iskood ah ugu laabteen Soomaaliya, iyadoo sheegtay inaan qoxootigaas si khasab ah looga bixin Kenya.

8/16/2013 3:59 AM EST
Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Garoonka diyaaradaha caalamiga ee magaalada Muqdisho oo howshiisu ay aad u korortay ayaa waxaa markii ugu horreysay uu yeeshay shabakad (Website) lagala socon karo duulimaadyada taga iyo kuwa ka baxa.