4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2013
Kulan lagu taageerayay Dowladda Somalia & Midnimada dalka oo ka dhacay Magaalada Minneapolis ee Minnesota (SAWIRRO)


Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Kulan ballaaran oo lagu taageerayay  madaxda dowlada Federalka Soomaaliya ayaa Khamiistii shalay aheyd ka dhacay xarunta Lake View ee Magaaladda Minneapolis ee Minnesota, kaas oo ay soo qaban qaabiyeen xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku noolka Gobolkan Minnesota ee dalka Mareykanka.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis ayaa waxaa furay Xaashi Shaafi oo ka mid ah qaban-qaabiyaashii kulankan, wuxuuna sheegay inay muhiim tahay in la isku baraarujiyo in la taageero dowladda SOomaaliya.

“Maanta waxaan iskugu nimid inaad taageerno dowladda Soomaaliya, isla markaana aan taageerno qorshaha dib u heshiisiinta iyo midnimada dalka” ayuu yir Shaafi oo intaas ku daran in jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ay hiil iyo hooba la garab taagan tahay madaxda dowladda Soomaaliya.

Suldaan Cusmaan Koofi oo isna ka mid ah salaadiinta Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis ayaa yiri “qof kasta oo inaga mid ah waa inuu dalka dib ugu laabtaa, waayo maanta waxaa laga gudbay heerkii qabiil, waxaaba muhiim ah inaan qaranka wada dhisno, anigu waxaan diyaar ahay in xitaa haddii la igu qoro inaan dhulka nadiifiyo aan xaaqi doono”

“Sharaftii iyo karaamadii dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxaa lagu soo celi karaa Soomaalinimo, ma dhici karto in dalka la kala  jar-jaro, waxaan u baahanahay midnimo, iyada ayaana lagu soo celin karaa sharafka qofka Soomaaliga ah,” ayuu yiri Col. Axmed Cumar Diiriye oo ka mid ahaa saraakiishii ciidanka xogga dalka.

“Haddii aad mucaarad tahay waxaad xaq u leedahay inaad la timaadid fikrad wax dhista, laakiin maahan in dalka la bur-buriyo, lagana shaqeeyo in xitaa dadku isku gudbi waayaan,” ayuu sii raaciyay Col Axmed.

Sadiq Warfaa oo xubin fir-fircoon oo ka mid ah jaaliyadda gobolka Minnesota ahna agaasimaha Fagaaraha ayaa sheegay in jaaliyadda Minneapolis ay kaalin fir-fircoon ka ciyaari karto dib u dhiska dalka.

“Madaxweyne Xasan SHeekh wuxuu imaan doonaa Minneapolis, ujeedka ugu weyna ee socdaalkiisana waa sidii Soomaalida Mareykanka ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka, gaar ahaan dhismaha ciidanka, sidaa daraadeed isku diyaariya soo dhaweynta madaxweynaha iyo ka qeyb galka mashaariicda horumarinta hey’adaha ammaanka” ayuu tilmaamay Sadiiq.

Xubnihii kale ee kulankan taageerada ah ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Xaashi Jaamac, Prof. C/kariin Sheekh C/llaahi, guddomiye Cabdi Cali, C/kariin Xasan, Salaad Sheekh Cilmi, Cabdi Maxamed Dhoombe Xaashi Guuleed Maxamed iyo Ingineer Barre Maxamed Faandhe, waxayna dhammantood hoosta ka xarriqeen in dadka Soomaaliyeed ay ka soo daaleen dhibaato, hadana la joogo xilligii dadka Soomaaliyeed isku tanaasuli lahaayeen, nabadana iyo midnimada si wada jir ah uga shaqeeyaan.





Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota