4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2013
Xukuumadda Kenya oo sheegtay in Kumanaan Qoxooti Soomaaliyeed ah ay si iskood ah ugu laabteen Soomaaliya

Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa shaacisay in 80,000 oo qoxooti Soomaaliyeed oo ku noolaa dalkeeda ay si iskood ah ugu laabteen Soomaaliya, iyadoo sheegtay inaan qoxootigaas si khasab ah looga bixin Kenya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in qoxootigan oo ku noolaa xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya ay iyagu go’aansadeen inay dib u laabtaan.

“Qoxooti Soomaaliyeed oo tiradoodu kor u dhaafayso 80,000 oo qof ayaa dibb ugu laabtay dalkooda Soomaaliya, kaddib muddo ay Kenya qoxooti ahaan ku joogeen, waxayna dageen qaybo badan oo Soomaaliya ka tirsan,” ayuu yiri Ole Lenku.

Sidoo kale, Lenku wuxuu sheegay in qoxootigan ay dageen deegaanno ay ka jirto nabad, ayna dib u laabashadooda timid kaddib markii ay dareemeen in qaybo badan oo Soomaaliya ka tirsan ay nabadi kusoo laabatay.

“Dowladda Kenya ma qorsheynayso inay si khasab ah qoxootiga Soomaalida ah dib ugu celiso dalkooda. Balse way soo dhaweynaysaa dadka doonaya in ay si iskood ah dib ugu laabtaan dalkooda hooyo,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ku heshiiyay qorshe la doonayo in dib loogu celiyo qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya.

Kenya ayaa waxaa ku nool in ka badan 560,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah kuwaasoo ku jira xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma, waxaana lagu wadaa in la qabto shir looga hadlayo dib u celintooda, kaasoo ka dhici doona magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, 1991-kii waxaa dalka Kenya deegaan ka dhigtay qoxooti fara badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ka cararay colaadihii dhiigga badani ku daagtay ee ka dhacayay Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya