4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2013
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen oo beeniyey in muddo kooban xabsiga la dhigay


Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji

Khamiis, Agoosto 15, 2013 (HOL) - 12-kii bishan August ayaa warbaahin ay ka mid tahay Hiiraan Online waxay faafiyeen warar aan aad loo xaqiijin oo sheegayay in muddo kooban xabsiga la dhigay danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen, Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji oo xilligaasi booqanayay xeryaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku yaalla Koonfurta dalka Yemen.

Safiirka oo maanta shir-jaraa’id oo uu arrinkaasi kaga hadlayay ku qabtay xarunta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Sanca ayaa sheegay in warkaasi uu ahaa mid ay faafintiisa ka dambeeyeen dad dano gaara leh isla markaana aan jecleyn horumarka safaaradda Soomaaliya ee Yemen iyo guud ahaan dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waan la xisaabtami doonnaa warbaahintii been abuuratay warkaasi, waxaanan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya u qoreynaa dacwad aan ku codsaneyno in wabaahintii warkaasi faafisay ay sal u yeelaan, ama ay cudur-daar rasmi ah ka bixiyaan” ayuu yiri safiirku.

Safiirka oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen wariyayaal iyo fanaaniin ayaa sheegay in safarkiisa uu si nabad-gelyo ah kusoo dhamaaday, waxaanu sheegay in dadkii warkaasi baahiyay ay yihiin kuwo ay aqoontoodu aad u hooseyso maadaama aanay garankarin waxa uu yahay safiir iyo xasaanadda uu heystaba.

“Adduunka ma jirto cid safiir xiri karta xataa safiirku hadduu qof nool dilo lama xiri karo ee waxaa kaliya ee xaq loogu leeyahay waa in la yiraahdo waddanka nooga bax,” sidaasina waxaa yiri safiirka Soomaaliya u jooga Yemen Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji.

Ambassador Naaji oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “waxaan ka rabnaa warbaahintii ugu horreysay ee warkaasi faafisay inay caddeyn noo keenaan ama ay u diyaar garoobaan inaanu maxkamad la tiigsanno, wasaaradda arrimaha gudaha Yemen oo ciidamada ammaanka ee la sheegay in ay na xireen hoos tagaanna waxay nasoo gaarsiisay in warbaahintii warkaa abuurtay ama faafisay ay iyaga laf ahaantoodu dacwad ku oogi doonaan maadaama saraakiisheeda laga been abuurtay”

Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ay jiraan dhinacyo ay tuhunsan yihiin in ay warkaasi suuq-gelintiisa ka dambeeyeen, marka waqtiga ay ku haboon tahay lagaarana ay magacyadooda iyo waxa ay yihiin sheegi doonaan.

FG: Website-ka Hiiraan Online oo looga bartay baahinta wararka xaqiiqada ah waxa uu cudur-daar buuxa ka bixinayaa warkaasi oo barta lagu daabacay 12-08-13, waxaanu Safaaradda iyo aqristayaashaba ka raalli gelinayaa arrintaasi oo si qalad ah ku dhacday isagoo u ballan qaadaya in arrintan oo kale aanay soo noqnoqon doonin.

Jacfar Kukay, Hiiraan Online
Sana'a Yemen
[email protected]