4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2013
Rabshadihii ka dhacay Dalka Masar oo la sheegay in ay ku dhinteen 500 qof, Kumannaan kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen


Khamiis, August 15, 2013 (HOL) — Dowladda KMG ah ee dalka Masar ayaa sheegtay maanta inay ku dhinteen rabshadihii ka dhacay Masar 500 qof oo u badan dad rayid ah, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 35,00 oo kale.

Balse ururka Akhwaanul Muslimiin oo ah taageerayaasha madaxweynihii xilka laga qaaday ee Masar ayaa iyaguna sheegaya in 2,000 oo qof ay ku dhinteen rabshadahaas ayna ku dhaawacmeen kumannaan qof oo ka mid ahaa dadkii dibadbaxyada sameynayay.

Magaalada Qaahira iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Masar ayaa waxaa ka dhacay shalay rabshado waaweyn oo u dhexeeya ciidamada ammaanka ee dalkaas oo doonayay inay dibadbaxayaasha ka kexeeyaan fagaarayaal ay ka dhigayeen dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan xil ka qaadistii madaxweynihii la doortay ee Masar. 

Khamiista maanta ah ayaa la sheegay in kooxo careysan ay gubeen xarun maamul oo ku taalla magaalada Qaahira, sidoo kalena ay jiraan goobo ay ka jiraan dibadbaxyo aan badnayn oo looga cabanayo xasuuqa ay geysteen ciidamada dalka Masar.

Maydad badan ayaa yaalla masaajiddo ku yaalla Qaahira, kuwaasoo ehelladii ay kasoo jeedeen ay ku sugan yihiin masaajiddaas kuwaasoo dowladda ka dalbanaya in loo sheego sababta keentay in dadkooda la laayo.

Dhacdooyinkan ayaa waxay sababeen in xubno uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenkii Masar Maxamed Al-Baraadici uu iska xilkiisii iska casilo, isagoo sheegay inuu ka xun yahay wixii dhacay.

Cabsi weyn ayaa ka jira Qaahira ee xarunta Masar iyo magaalooyin kale oo ku yaalla dalkaas, iyadoo maalinta berri ah oo Jimco ah laga baqdin qabo in ay dhacaan dibadbaxyo waaweyn, waxaana ururka Ikhwaanul Muslimiin uu ku baaqayaa in dibadbaxyo waaweyn la dhigo Jimcaha berri ah.

Waddooyinka waaweyn ee Qaahira ayaa intooda badan xiran iyadoo ay ku sugan yihiin ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa milateriga, kuwasoo ka hortagaya dibadbaxyo dhaca.

Madaxda dalal badan oo kuwa Muslimka ah ayaa cambaareeyay rabshadihii ka dhacay Masar iyo sida ay dowladda dalkaas ula dhaqantay dibadbaxyashii ku sugnaa waddooyinka magaaladaas.

Dhanka kale, dowladda KMG ah ee Masar ayaa waxay soo saartay bayaan cusub oo ay ku sheegtay in madaxweynihii xilka laga tuuray uu sii xirnaan doono muddo 30-maalmood ah, halkii ay markii hore ka ahayd 15 casho oo su’aalo laga weydiiyo eedeymo loosoo jeediyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya