4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2013
Qaar ka mid ah Beeraleyda Magaalada Boosaaso oo Loogo Deeqay Matooro iyo Qalabka kale ee Beeraha (SAWIRRO)


Khamiis, August 15, 2013 (HOL) — Deeqdan oo isugu jirtey Matooro, haamaha cayayaanka looga buufiyo beeraha, tuubooyin, gaariyoollo iyo qalabka kale ee beeraha looga shaqeeyo, waxaa loo qaybiyey 67-qof oo kamid ah beeraleyda magaalada Boosaaso.

Dadkan ayaa horay uga qayb galay mashruuc ay si wadajir ah isula wadeen ururka Asal iyo hay'adda FAO, kaas oo kor loogu qaadayey tayada beeraha iyo aqoonta beeraleyda.

Madaxa ururka Asal Cismaan Maxamed Cali oo ka hadlay munaasabaddii deeqdan lagu qaybinayey ayaa sheegay in ay ka kooban tahay abuur ama siidh kala duwan iyo weliba qalabka beeraha lagu fasho.

Beeraleyda deeqdan fursadda u helay ayuu kula dardaarmay in ay si fiican uga faa'iideystaan, isagoo intaas raaciyey in ay dhici karto dadka qaar in ay wax waayaan, taasina ya tahay wax iska caadi ah maadaama aysan suurtogal ahayn in beeraleyda oo dhan wax la gaarsiiyo.

C/llaahi Saalax oo ka socdey hay'adda FAO ayaa isna dhankiisa talooyin muhiim ah siiyey beeraleyda. Waxyaabaha uu tilmaamay ayaa waxaa kamid ahaa in lakala dheereeyo dhul beereedka iyo meelaha ay dadku deggen yihiin.

Bootaan Axmed Bootaan oo ku hadlayey afka beeraleyda, ayaa u mahad celiyey ururka Asal iyo hay'adda FAO, isagoo sheegay in ay mar walba u heellan yihiin taakuleynta beeraleyda Puntland.

Beeraleyda deeqda la gaarsiiyey ayaa ka koobnaa lix kooxood, waxayna qayb ka yihiin 13-kooxood oo beeraley ah, kuwaasoo ururka Asal uu bilihii u danbeeyey u wadey tababaro iyo wacyi gelin ku aadan sida ugu haboon ee loo adeegsado sunta beeraha iyo hababka wax loo beero.







Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya