4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2013
Al-shabaab oo saaka la wareegtay Isbitaalkii Mareerey oo MSF ay gacanta ku haysay ahaana midka ugu weyn Jubbooyinka

Khamiis, August 15, 2013 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa saakay la wareegay isbitaalka weyn ee deegaanka Mareerey ee gobolka Jaubbada dhexe oo ay gacanta ku haysay hay’adda MSF, iyagoo shaqaalihii ku sugnaa isbitaalka ku amray inay isaga tagaan.

Wariyaha HOL ee Jubbooyinka, Xasan Nuur ayaa sheegaya in isbitaalkan uu ahaa midka ugu weyn gobollada Jubbooyinka, laguna daweyn jiray bukaannada laga keeno Jubbooyinka iyo kuwo laga keeno Gedo.

“Al-shabaab waxay la wareegtay guud ahaan isbitaalka iyo weliba bakhaarro ay ku jiraan dawooyin iyo raashin ay hay’addu lahayd, isbitaalkana waxaan si rasmi ah ugu sugan hadda xoogagga Al-shabaab,” ayuu yiri Xasan Nuur.

Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo hay’adda MSf ay shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay joojinayso howlihii caafimaad ee ay ka haysay guud ahaan Soomaaliya, taasoo ay sabab uga dhigtay ammaan-darrada oo soo kordhaysa.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa shalay gellinkii dambe la wareegtay isbitaalka guud ee degmada Diinsoor oo ka mid ahaa isbitaallada ay gacanta ku hayso hay’adda MSF, iyadoo Al-shabaab ay u muuqato inay qorsheynayo inay la wareegto xarumihii MSF.

Hay’adda MSF ayaa waxay ahayd hay’adda keliya ee ka shaqeysa goobaha ay Al-shabaab ka taliso, kaddib markii kooxdan oo xiriir la leh Al-Qaacida ay horay uga joojisay hay’adaha samafalka inay ka shaqeeyaan deegaannada ay ka taliyaan.

Al-shabaab weli kama aysan hadlin isbitaallada ay la wareegtay ee MSF ay gacanta ku haysay, waxaana joojinta howlaha MSF ay saameyn xooggan ku yeelan doontaa bukaanno badan oo daryeel caafimaad ka heli jiray hay’addan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya