4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2013
Maamuka Puntland oo ka Hadlay Go’aankii ay MSF ku Joojisay Gargaarkii ay kawadday guud ahaan dalka Soomaaliya

Khamiis, August 15, 2013 (HOL) — Maamul Puntland oo toddobaad ka hor ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii ay shalay ku joojisay howlihii caafimaad ee MSF ay ka haysay dalka Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka Puntland, Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in go’aankaas uu saameyn weyn ku yeeshay bukaanno reer Puntland ah oo ay hay’addan daweyn jirtay, isagoo xusay in hay’addan ay ka gacanta ku haysay isbitaallada Gaakacyo iyo Burtinle.

“Howl joojinta MSF waxay saameyn xooggan ku yeelanaysaa Puntland, waayo muddo dheer ayay ka shaqeynaysay, hawlo caafimaad oo ballaaran ayayna ka haysay isbitaallo ku yaalla Puntland, kuwaasoo ay ku xirnaayeen boqolaal bukaanno ah bil walba,” ayuu yiri wasiirka caafimaadka Puntland.

MSF ayaa shalay ku dhawaaqday inay nabadagalyo darro awgeed uga baxayso Soomaaliya oo dhan, kaddib 22-sano oo ay howlo caafimaad oo kala duwan ka haysay, waxaana mas’uulka ugu sarreeya hay’adda uu sheegay inay ka xun yihiin bukaannadii ay daweyn jireen oo ay ka tagayaan.

Cali Cabdullaahi ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in amni-darrada jirta qaybo ka tisran gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ay hay’addu u joojisay gabi ahaan howlihii ay ka haysay Soomaaliya, sida Puntland oo ay ka jirto nabad.

“Puntland waxay ka mid tahay deegaannada nabdoon ee Somalia ku yaalla, waana la xunnahay in MSF ay sheegto inay joojinayso howlihii ay ka haysay, iyadoo daweyn jirtay bil walba boqolaal qof oo reer Puntland ah,” ayuu Cali C/llaahi ku daray hadalkiisa.

Ugu dambeyn, wasiirka caafimaadka Puntland ayaa sheegay in maamulka uu ka tirsan yahay ay warbixin dhameystiran ay kasoo saarayaan sababaha ay MSF u joojisay howlihii ay ka haysay deegaannadooda iyo gabi ahaan dalka Soomaaliya.

Ma jiro hadal weli kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan howl-joojinta hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF, taasoo ku dhawaaqday inay si rasmi ah howlihii ay Soomaaliya ka haysay u joojisay shalay oo Arbaco ahayd.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya