4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 14, 2013
WASIIRKA CAADALAADA: “Dowladda Soomaaliya waxay bilowday qorshe ay hubka uga qaadayso dadka shacabka ah”

Arbaco, August 14, 2013 (HOL) — Wasiirka cadaaladda iyo garooska Soomaaliya, C/llaahi Abyan Nuur ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Somalia ay billowday qorshayaal hubka looga qaadayo dadka shacabka ah.

C/llaahi Abyan ayaa sheegya in qorshana uu yahay mid qayb ka ah qorshe lagu adkeynayo ammaanka dalka, isagoo dhanka kalena sheegay inay ka digtay xukuumaddu in isbaarooyin la dhigto gobolka Shabeellada Hoose.

“Dowladdu olole ayay ku qaadday meeshii cirka la oran jiray ee hubka sida sharci-darrada ah loogu kala iibsan jiray, dowladdu waxay go’aan ku gaartay inay la dagalanto hubka sharci-darrada ah, mana aqbalayno in qof aan ka tirsan askarta dowladda uu hub haysto,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in haddii aan shacabka hubka laga qaadin aan laga hortegi karin qaraxyada ay Al-shabaab ka geysanayso Muqdisho iyo deegaannada kale ee ay dowladdu ka taliso.

“Qorshaheenna waa in dadku ay u kala baxaan shacab iyo dowlad. Qofkii ay dani jirto inuu hub qaato waa inuu ka mid noqdaa ciidamada, mana ogolaan doono in qof shacab ah uu hub ku dhex-haysto shacabka,” ayuu wasiirku ku daray hadalkiisa.

Kulan habeen ka hor ka dhacay xarunta golaha wasiirrada Muqdisho ayaa lagu sheegay in haya’daha ammaanka ay ku guuleysteen inay burburiyaan unugyo ka tirsan Al-shabaab oo falal ammaan-darro kawaday Muqdisho.

Dhanka kale, wasiirka cadaaladda iyo garsoorka ayaa sheegay in isbaarooyin aan la dhigin karin gobolka Shabeellada hoose, isagoo xusay in dhibaatada ay isbaaradu leedahay ay horay u soo arkeen, wixii hadda ka dambeeyana aysan ogolaan doonin in isbaarooyin la dhigto.

“Isbaaro wax faa’iido ah ma lahan, 22-kii sano ee dalku uu burburka ku jiray waxay u horseedeen shacabka dhibaato, dhimasho iyo dhaawac, mana ma ogolin in isbaaro dambe oo shacabka lagu dhibaateynayo la dhigto, ciddii lagu qabtana sharciga ayaa lala tiigsan doonaa,” ayuu yiri wasiirka.

Inkastoo aan la ogeyn sida ay ku hirgeli karo qorshaha ay dowladdu hubka uga qaadayso dadka shacabka ah ayaa haddana madaxda dowladdu ay ku rajo-weyn yihiin inay hubka ka dhigaan shacabka, taasoo faa’iido weyn ay ugu jiri doonto dadka shacabka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya