4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2013
Kulan looga hadlay Amniga Gobolka Bay iyo Isbaarooyin u yaalla Ciidamada Dowladda oo Maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo


Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay ammanka gobolka Bay ayaa maanta ka dhacay degmada Baydhabo, kaasoo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada, waxgarad iyo aqoon-yahanno kasoo jeeda gobolkaas.

Mas’uuliyiinta degmada Baydhabo ayaa sheegay in gobolka Bay ay qaybo ka mid ah ka taliso Xarakada Al-shabaab, ayna soo weeraraan habeen walba degmada, iyagoo sidoo kale sheegay inay jiraan isbaarooyin qaybo ka mid ah gobolkaas u yaalla ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Gobolka Bay ammaan kama jiro, waayo Al-shabaab habeen walba waxay soo weerartaan degmada Baydhabo oo ay ka taliso dowladda, runtiina waa wax laga xumaado in ammaan-darrada gobolka ka jirta,” ayuu yiri Shiine Macallin Nuuroow oo ah guddoomiyaha degmada Baydhabo.

Shiino Macallin wuxuu sheegay in taasi ay ka daran tahay in isbaarooyin fara badan ay degmada Baydhabo iyo degmooyinka ku dhow u yaalaan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda, taasoo gaadiidka looga qaado lacago badan.

“Degmada Buur-hakaba laga soo billaabo illaa Baydhabo laga baxayo waxaa yaalla isbaarooyin ay dhigteen ciidamada dowladda, kuwaasoo lacago aad u badan looga qaado gaadiidka safarkan, taasina waxay dhibaato xooggan ku tahay gaadiidleyda iyo ganacsatada gobolka,” ayuu Shiine Macallin mar kale ka sheegay kulanka.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo, C/qaadir Sheekh Cali Barako oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee haysatada dadka reer Baydhabo iyo kuwa kale ee gobolka ku nool ay tahay isbaarooyinka u yaalla ciidamada dowladda oo lacago ku dhawaad hal milyan oo shillin Soomaali ah looga qaado gaadiidka isaga goosha gobolka iyo gobollada kale ee dalka.

“Waxaan ka codsanaynaa dowladda Soomaaliya in ciidamada laga saaro degmada Baydhabo oo la geeyo furumaha dagaalka lana qaado gabi ahaan isbaarooyinka yaalla degmada gobolka, si nafis ay u helaan gaadiidleyda iyo ganacsatada,” ayuu guddoomiye ku xigeenku ka sheegay kulankii maanta ka dhacay Baydhabo.

Aqoonyahannada iyo waxgaradka oo iyaguna hadla ayaa sheegay in nabad-galyo xumada iyo isbaarada gobolka ka jira ay dhibaato ba’an ku hayaan dadka ku nool gobolka bay, iyagoo dalbaday in arrintan si deg-deg ah wax looga qabto.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta degmada Baydhabo iyo kuwa gobolka ayaa ka sheegay kulanka inay ku guul-darreysteen inay isbaarooyinka yaalla qaybo ka tirsan gobolka Bay ay goobaha ay yaallaan ka qaadaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya