4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2013
Qaybtii Koowaad ee Dhismaha Masjidka Bardaha ee Magaalada Baladweyne oo Heer Gabo-gabo ah Maraya (SAWIRRO)


Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Waxaa heer gabo-gabo ah maraya qeybtii koowaad dhismaha masjidka Bardaha magaalada Baladweyne oo ah masjid facweyn oo soo dhisnaa sida la rumeysan yahay wax ka badan 100 sano.

Cismaan Max'ed Cilmi [Cismaan Caato] oo ka mid ah guddiga ku howlan dhismaha masjidka oo la hadllay HOL ayaa sheegay in meel wanaagsan uu xiligan marayo dhismaha masjidka oo lagu dhaw yahay sida uu sheegay in la soo dhameystiro dhismaha dabaqa hoose ee masjidka ama qeybta koowaad oo ay gacan weyn ka geysteen in  heerkan la soo gaarsiiyo sida uu sheegay bulshada ku dhaqan afarta xaafadood ee magaalada Baladweyne iyo shaqsiyaad is xil qaamay oo ku dhaqan dalka dibadiisa.

“Waad arkeysaan halka uu hadda marayo dhismaha masjidka, waxaa meel wanaagsan jooga ama ku dhaw in la dhameystiro qeybtii koowaad ama dabaqa hoose ee masjidka, maalmaha dhaw waxaa uu qorshuhu yahay in aan u gudubno dabaqa labaad,'' ayuu yiri Cismaan Caato.

Sidoo kale, wuxuu sheegay Cismaan Caato in halka hadda uu joogo masjidka lacagta gashay ka badan tahay 100,000 oo doolarka mareykanka ah walina aan la dhameystirin shubkii kore ee lagu soo xiri lahaa qeybta hore ee masjidka, isaga oo ugu baaqay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa, gaar ahaan Jaaliyada Hiiraan gacan ka geystaan dhismaha dabaqa labaad.

“Masaajidkan waa mid Soomaali oo  dhan u dhaxeeya, waxaan oran karaa waa Jaamacad ay ka aflaxeen culimo waaweyn oo maanta caan ku ah fidinta diinta Islaam-ka, sidaa daraadeed jaaliyada Soomaaliyeed oo dhan ayaan ka codsaneynaa in ay qeyb ka qaataan dhismihiisa, gaar ahaan jaaliyada Hiiraan oo ah halka uu masjidku ku yaallo,'' ayuu yiri Cismaan Caato.

Waxaa uu uga mahad celiyay bulshada ku dhaqan magaalada Baladweyne sida ay u barbartaagan yihiin dhismaha masjidka, isaga oo sheegay in gacanta ugu weyn ama kaalamada ugu ballaaran laga hellayo shacabka ku dhaqan magaalada oo si gaar ah xil isaga saaray in uusan joogsan dhismaha masjidka ayuu yiri Cismaan Caato.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ka qeyb-qaatan bilowggii furitaanka dhismahan cusub ayaa xiligaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa in ay ka qeyb-galaan dib u dhiska masjidka.

Haddii aad dooneyso in aad caawiso Masjidka waxaad isticmaali kartaa: Account No: Amaana BWN 41516420, Dahabshiil BWYD 000396  iyo Mobil: 00252615564075.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya